Xubnaha naadiga Maskaxshiil oo mar labaad qaatay aqoon-kororsi ku saabsan qoraalka

Xubnaha naadiga Maskaxshiil ayaa waxaa loo qabtay aqoon-kororsi ku saabsan qoraalka, waxaana lagu barayey qaabka ugu wanaagsan ee buug qiime leh loo qoro iyo weliba sida qoraa wacan oo bulshada saameyn ku leh lagu noqon karo.

Aqoon-kororsigaan ayaa waxaa lagu qabtay xarunta Akadeemiyadda Cilmiga, Fanka iyo Suugaanta, waxaana la qabtay 7. 12. 2017.

Aqoon-kororsigaan ayaa waxaa casharro qiime badan ka bixinayey qorayaal waayo-aragnimo qoto dheer u leh qoraalka. Waxaana ka mid ahaa Qoraa Cabdi Shire Warsame oo muddo dheer ka soo shaqeynayey Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Soomaaliya, isla markaasina qorey dhawr buug oo kala duwan oo uu ka mid ahaa buugga caan-baxay ee la yiraahdo Hoggaaminta Wanaagsan iyo buugga kale ee la dhaho Xallinta Khilaafaadka. Waxaa kale oo ka mid ahaa qoraayaasha halkaas ka bixinayey casharrada guddoomiyaha Akadeemiyadda Cilmiga, Fanka iyo Suugaanta C/qaaddir Nuur Xuseen Maax.

Ka-qeyb-gelayaasha ayaa su’aalo badan weydiiyey khubaradii qudbadaha kala duwan jeedinaysey, waxaana muddo saacado ah socday doodo iyo su’aalo kala duwan iyo jawaabo waafi ah oo ay bixinayeen macallimiintii.

Doodahaas iyo su’aalahasi waxa ay dhaliyeen in Akadeemiyaddu sameyso Waax gooni ah oo la shaqeysa qoraayaasha madaxa bannaan isla markaasina ka caawisa tafatitka buugta. Akadeemiyadda ayaa markaas ballan-qaadday dhammaan codsiyadii ay qoraayaashu u jeediyeen.

Xubnaha naadiga Maskaxshiil oo runtii aad ugu oommanaa aqoon-kororsigaas ayaa aad uga maqsuuday casharradaas, waxa ayna ka heleen aqoon aysan horey u heysan, taas oo ku riixday in qoraallada ay soo saarayaan ku dabbakhaan casharradaan, si dhiganeyaasha dambe ay aad uga taya sarreeyaan kuwa horey u soo baxay.

Ma ahayn markii ugu horreysey ee xubnaha naadiga Maskaxshiil la siiyo tababbar aqoontooda kor loogu qaadayo, horey ayaa bishii 10-naad ee isla sannadkaan xubnaha naadiga loo siiyey tababarkaan oo kale, oo casharro kala duwan ay siiyeen qoraayaal sare oo kale.

Tababarradaan la siinayo xubnaha naadiga Maskaxshiil ayaa ujeedkiisu yahay sidii kor loogu qaadi lahaa aqoonta qoraayaasha naadiga ku jira, si qoraayaashu ay u soo saaraan qoraallo iyo buugaag tayo sare leh oo akhristeyaasha saameyn xoog leh oo wax-dheef ku yeesha.

Xafiiska dhexe ee naadiga Maskaxshiil
Abuubakar Axmed Caddow
Muqdisho – Soomaaliya
info@maskaxshiil.so

Fiirso sawirrada aqoon-kororsigaas



 

2017-12-10T15:40:03+00:00 December 10th, 2017|Maxaa Cusub|0 Comments

Leave A Comment