Waxaa lagu qabtay xafladda bandhigga buugga dhisamaha Colow, ee ku yaalla isgoyska Dabka, waxaana bandhiggaas ka soo qeyb-galay 500 oo qof oo bulshada qeybaheeda kala duwan ah.
Qoraa Garaad-Yoonis, waxaa u halkaas ka jeediyey qudbad qiime lahayd, oo uu ku sharraxayey buugga uu qorey. Waxaa uu si haqab-tiran uga warramay, sababta buugga in uu qoro ku dhalisay, isaga oo si faahfaahsan uga warramay cutubyada buuggu uu ka kooban yahay iyo cutub walba waxa uu ka hadlayo.
Markii uu dhammeeyey faallada buugga, ayaa dadkii xafladda ka soo qeyb-galay weydiiyeen su’aalo badan oo ku saabsanaa buugga. Si qurux badan ayuu weydiimihii oo dhan uga wada jawaabay.
Kolkii ay su’aalihii dhammaadeen ayaa dadkii loo fasaxay iibsashada buugga, halkaas oo dadkii ku qamaameen buugtii, oo ay intoodii badnayd iibsadeen.
Qoraaga ayaa dadkii soo dul dhoobteen, waxa ayna ka codsanayeen in uu buugga u saxiixo, halkaas oo dadkii buugga iibsaday oo dhan uu qoraagu u wada saxiixay.
Bahda qoraayaasha Soomaaliyeed ee Maskaxshiil ayaa qeyb weyn ka qaadatay abaabulka dadka ka soo qey-galay, waxa ayna xubnaha qoraayaasha Maskaxshiil wada iibsadeen buugga Caroog.
Xafiiska dhexe ee Maskaxshiil.
Leave A Comment