Xaflad shahaado-guddoonsiin ah oo loo qabtay dufcaddii labaad ee qaadatay Qoraa-kaab

Naadiga qoraayaasha Soomaaliyeed ee Maskaxshiil ayaa xaflad heer sare ah u qabtay dufcaddii labaad ee qaadatay aqoon-kororsigii ku saabsanaa qoraalka.

Xafladdaan oo shahaadooyin lagu guddoonsiinayey arday gaaraysay 65 ayaa waxaa lagu qabtay hoolka Akademiyadda Cilmiga, Fanka iyo Suugaanta, waxa ayna dhacday 30ka bisha kowaad ee sannadkan 2018-ka.

Ka sokaw ardayda qalin-jabinaysay, waxaa ka soo qeybgalay xafladdaas marti sharaf kala duwan oo isugu jiray madaxda sare ee Akademiyadda, naadiyaasha akhriska iyo qoraalka ee Muqdisho ka jira, iyo mas’uuliyiin ka socday bulshada rayid ka ah.

Musaabadda ayaa waxaa furay madaxa arrimaha bulshada naadiga Farxiya Muxuyaddiin, oo ka hadashay ujeedka uu u asaasan yahay naadigu, waxqabadkiisa iyo yoolka uu higsanayo. Waxaa isna halkaas qudbad qaayo leh ka jeediyey madaxa tababarrada naadiga, mudane Daljir Cabdullaahi oo isna aad ugu dheeraaday barnaamijka qoraakaab iyo ujeedda ka dambeeya shaqadiisa, isaga oo carrabaabay in hadalku uu yahay soo saarinta qalinlay daboosha baahida bulshada Soomaaliyeed.

Waxaa isna halkaas ka hadlay madaxa Akadeemiyadda Cilmiga, Fanka iyo Suugaanta, mudane C/qaaddir Nuur Xuseen Maax, oo isna ku ammaanay naadiga Maskaxshiil hawlaha uu qabanayo, oo hawl in ay Akedemiyaddu qabato ahayd, laakiin uu naadigu uu fududeeyey. Aad buu ugu boorriyey in ay ardaydu u dadaalaan oo ay soo saaraan qoraallo macno u leh ummadda Soomaaliyeed.

Waxaa iyagu halkaas ka hadlay madaxdii naadiyada qoraalka iyo akhriska iyo madax ka socotay bulshada rayidka ah oo dhammaan ba wada hambalyeeyey, lana dardaarmay ardayda iyo naadigaba.

Xafladdii ayaa waxa ay ku soo gabagabowday jawi heer sare ah.

Xafiiska dhexe ee naadiga Maskaxshiil
Muqdisho, Soomaaliya
info@maskaxshiil.so
www.maskaxshiil.so

Qeybo ka mid ah sawirradii xafladdaas


2018-02-12T12:15:33+00:00 February 12th, 2018|Maxaa Cusub|0 Comments

Leave A Comment