Waa gabadhii albaabka iga furi lahayd!

Waa baa waxaa jiri jiray, wiil iyo gabar muddo dheer oo ay is-jeclaayeen kaddib, go’aan ku gaarey in ay is-guursadaan. Kolkii ay inta is-mehersadeen loo mashxadaray, ayey horay ka-aqal-galeen. Waa lammaane isku oommanaaye, waxa ay isla qaateen in, ilaa bil, inta ay ruuxaanta ku kacsan iska cuudinayaan, aysan aqalka qofna ka furin – xitaa haddii ay waaliddiintii yihiin. Iyaga oo sidii isugu hawlan, baa setimaan kaddib, waxaa la soo garaacay hoygii. Wiilkii baa inta booday, waxaa uu ka fiiriyey dadka soo gaaracaya daldaloolka albaabka, mise waa labadiisii waalid. Isla markiiba waxaa ku oo dhacay ballantii isaga iyo xaaskiisii dhex martay ee ahayd, in aan guriga cidna laga furin, inta muddadaas la iska boganayo. Iyaga oo albaabkii garaacaya ayuu inta ka soo laabtay, u yimid xaaskiisii. Inta u sheegey cidda illinka taagnayd ayuu baalka ka sii galay.

Shan beri kaddib ayaa misena albaabkii la soo garaacay. Gabadha oo kolkaas ardaaga taagnayd, ayaa inta aadday ka fiirisay baqbaqa albaabka dadka soo garaacaya, mise waa labadii dhashay. Axdigii ayey soo xasuusatay. Waa heshiis adag oo ay la gashay seygeedii ay jeclayd, iyada oo weliba ogayd sidii uu inta wacadkii u oofiyey, uu waaridkiis illinka uga furi waayey. Gabadhii, beerkaa balbalay, waxaana ku adkaatay in ay dhageysato waalidkeed. Iyada oo weli taagan, ayaa waxaa ku soo baxay ninkeedii, kolkaas baa inta illini ka soo daadatay, bey ku tiri “Qaali, hooyo iyo aabbe ayaa bannaanka taagan, mana awoodo iyaga oo albaabka taagan in aan ka furi waayo….”. Iyada oo hadalka ku jirta, baa waalidkii albaabka mar kale garaaceen, markaas baa iyada oo aan jawaab ka sugin seygeedii, inta ay laab-dillaac la joogi weydey albaabkii fag ka siisay. Inta ku boodday ayey inta – labadiiba – labada dhaban ka dhunkatay, soo gelisay minankii. Inta meel harac ah fariisisay ayey biyo qabow u keentay isla jeerkaasina ku qaabishay weji jeceyl iyo jamasho mug-buuxisay. Wiilkii intaas waa eegayey. Arrintaas kalama hadlin, waana isaga aamusay.

Gabadhii, waayadiiba waa uureysatay, waxa ayna dhashay wiil. Seygeedii waxa uu u qalay wiilkii laba neef oo ari ah oo walqal ah. Laba qooroole kale ayey ku xijisay, isla sidii oo kale, laba neef oo ari ah ayuu u gawracay. Waxa ay ku saddexeysay gabar, markaas buu waxa uu u qalay 20 neef oo ari ah iyo 10 neef oo ishkin ah (5 lo’ ah iyo 5 geel ah). Waxaa uu isugu yeerey walqalkaas 500 oo qof. Arrintaan baa lala yaabay, sababta uu wiilasha, mid kasta laba neef ugu bireeyey, gabadhaanna uu waqdhaacdan iyo Alla-berigan weyn ugu sameeyey. Gunaanadkii xafladda ayaa la weydiiyey ujeedka, kolkaas buu ugu jawaabay dadkii “Waa gabadhii albaabka iga furi lahayd!”.

Waxaa Qorey Suldaan Nayruus

2017-10-16T18:12:41+00:00 October 16th, 2017|Maqaallo|0 Comments

Leave A Comment