Suldaan Qabdiid

Suldaan Qabdiid waa qoraa, waana xubin ka tirsan golaha Maskaxshiil. Waxa uu sannadkan soosaray buuggiisii ugu horreeyey oo uu ugu wanqalay ʻXulka Gabayada iyo Xuddin Xidhka Suugaanta`. Buuggan waxa uu ku soo aruuriyey 10 gabyaa oo Soomaaliya ka caan ah, gabayadoodii ugu miisaanka cuslaa.

Suldaan Qabdiid waa cilmibaare aad ugu foogan dhanka iyo hiddaha Soomaalida, waxa uuna gaar ahaan baaraa suugaanta Soomaalida.

Suldaan Qabdiid, laftiisu waa gabyaa, waxa uuna leeyahay gabayo iyo maansooyin badan.

Hadda, Suldaan Qabdiid waa arday dhigta jaamacadda Muqdisho, waxaa uuna ka bartaa maaddada Maamulka iyo Siyaasadda.

Sawirka buugga oo qoray, halkan hoose ka eeg: