Farxiya Muxiyaddii Yuusuf

Farxiyada Muxuyaddiin Yuusuf, oo ku magac dheer Lamafilaan, waa xubin ka tirsan golaha Maskaxshiil. Waa qoraa wax ka qorta dhiirri-gelinta. Buuggeedii ugu horeeyey ayey qortay, waxaa ayna ugu walqashay Ambaqaadka Nolosha.

Buuggu isaga oo cusub ayuu helay akhriste yaal badan, waxa uuna aad ugu faafey magaalada Muqdisho, isaga oo hadda u sii tillaabi raba goballada kale ee dalka oo dalabaadkiisu uu ka yimid.

Sidaa oo kale, Lamafilaan, waa abwaanad curisa maansooyinka kala geddisan.

Lamafilaan, waxa ay hadda ku hawllan tahay, in ay wax ka qorto arrimaha haweenka, iyada oo sidaas oo kale ku tala jirta in ay noqo dhiirri-geliye tabbabarro u qabata dhallinta Soomaaliyeed, oo ay la wadaagto waaya-arganimadeeda.

Sawirka buugga ay qortay halkaan ka eeg: