Daljir Cabdullaahi Halgame

Daljir Cabdullaahi Halgame, waxaa qoraa waana xubin ka tirsan golaha Maskaxshiil, waana madaxa waaxda tababarrada golaha. Waa qoraa soo saarey dhawr buug oo bulshada macne weyn u yeeshey. Waxaa ugu caansan buugga Khaliijka iyo Qorshaha Dahsoon ee Soomaaliya, oo aad ugu faalleeyey siyaasadaha Khaliijka iyo faragelintooda arrimaha gudaha Soomaaliya.

Waxa uu sidaas oo kale soosaaray buugta ʻTaxanaha Aoonta` iyo ʻTusamada Curiyeyaasha Kimistariga`.

Sidaas oo kale, waa hal-abuure curiya maansooyinka kala duwan, waxaa uuna ka mid yahay dhallinyarada firfircoon ee gobalka Benaaddir aadka looga yaqaan.

Hadda waa bare wax ka dhiga dugsida sare ee Muqdisho.

 

Hoos waxa ku jira sawirrada qeybo ka mid ah buugtiisa: