Cabdullaahi Xuseen Xasan

Cabdulaahi Xuseen Xasan, wa xubin ka tirsan golaha Maskaxshiil. Waa qoraa rug-caddaa ah, oo in ka badan 40 sano wax qorayey. Buugaagta oo uu qorey waxa ay gaarayaan 20 buug. Inta badan waxa uu wax ka qoraa taariikhda, riwaayadaha iyo sheekooyinka (Novels).

Buugtiisa inta badan, waxa ay ku qoran yihiin afka Carabiga, marka laga reebo laba buug oo la kala yiraahdo: Nuxur Sheeko iyo Surmaseegto. Waa Diblomaasi ka shaqeeya wasaaradda arrimaha dibedda, waxa uuna ka soo noqdey Qusul iyo Xog-haye dawlado ka mid ah Carabta.

Buugtiisa iyo macluumaadkooda iyo sawirradoodaba, gadaal ayaan ka soo gelin doonnaa websiteka Alle idinki.