Axmed Maxamuud Dhicisaw

Axmed Maxamuud Dhicisaw oo ku magac dheer Yaanyo, waa xubin ka mid ah golaha Maskaxshiil, waana madaxada tafatirka guud. Waa aqoon yahan, waana qoraa rug-caddaa ah oo wax qorayey in ka badan 40 sano. Waxaa uu ka soo shaqeeyey madbacaddii qaranka, isaga oo sidaas oo kale ahaa xog-hayihii guug ee kooxdii xiyaartoyda madbacadda. Buug badan ayuu qorey, waxaana ugu caansanaa buuggii uu qorey 1982-kii. Buuggaas oo la yiraahdo Goal, oo uu ku soo aruuriyey taariikhda ciyaartoyda xilligaas. Buuggaas, waxaa la dhacday dawladdii Kacaanka, waana ka iibsatay, isaga oo lacagtii ku dhistay guriga uu maanta deggan yahay.

Waxaa uu sidaa oo kale qorey buug badan, oo isugu jira kuwa taariikh ah, kuwa siyaasad ah iyo weliba kuwo sheekooyin ah. Ilaa iyo hadda buugtiisu waxa ay kor u dhaafeysa 15 buug.

Dhanka kale, waa madaxa wargeysa toddobaadlaha ah ee Muqdisho ka soo baxa ee la yiraahdo ‘Wargeyska Xamar’.

Hoos ka eeg sawirrada buugta Qoraaga, in kasta oo faahfaahinta aan gadaal idin kaga soo sheegi doonno;