Anwar Axmed Mayow
Anwar Axmed Mayow, waa xubin ka mid ah golaha Maskaxshiil. Waa qoraa, Suxufi, Cilmibaare iyo Talabixiye.
Anwar, waxaa uu wax ku qoraa afka Carabiga. Waxaa uuna soo saarey saddex buug oo kala duwan, oo uu hadda ku mashquulsan yahay in uu Soomaali u tarjumo. Buugta uu soo saaray waxa ugu caansan buug uu ku soo aruuriyey taariikhda dadkii Soomaaliya ugu caansanaa.
Anwar, hadda waa tafatiraha website-ka caanka ah ee afka Carabiga ah ee la yiraahdo Somaliatoday.
Buugaagtiisa iyo macluumaad ku saabsan gadaal baan ka soo gelin doonnaaye, laakiin fiirso, sawirka buugga ugu caansan hadda.