Tababarkan oo socday intii u dhaxaysay 30-31ka bisha Agoosto ee sannadkan 2018, ayaa waxaa loo qabtay arday gaaraysay 120. Ardaydan ayaa waxa ay ka kala yimaadeen jaamacadaha iyo dugsiyada kala duwan ee magaalada Gaalkacayo.
Waxa tababarkaan bixinayey qorayaal aad looga yaqaanno deegaanka iyo Soomaaliyaba, waxa ayna bixinayeen mawduucyo kala duwan, oo ku saabsanaa qaabka ugu wanaagsan ee qofi ku noqon karo qoraa tayo sare leh, habka ugu macquulsan ee uu ku soosaari karo dhigane muntafac ah iyo waxyaalaha qoraha ka saacida in uu horumar ka sameeyo qoraalka, oo ay ugu muhiimsan tahay akhriska buugta iyo raadinta aqoonkororsi wacyigiisa iyo aqoontiisa dhisa.
Macallimiinta oo khibraddooda la wadaagayey ardeydaas, ayaa halkaas ku soo bandhigay casharro ay ka maqsuudeen ardeydii aqoonkororsigaasi ka qeybgalaysay.
Ardaydii qaadatay tababarkaasi ayaa waxa ay muujiyeen dareen ah sida ay ugu faraxsanaayeen tababarkasi, iyaga oo golaha ka codsaday in ay marar badan oo kale ay magaalada Gaalkacyo ku qabtaan Qoraakaabyo badan.
Waa markii ugu horreysay oo tababar noocaan oo kale ah lagu qabto magaalada Gaalkacayo, taas oo uu fuliyey golaha qorayaasha Soomaaliyeed ee Maskaxshii, oo kaashanayey aqoonyahanno iyo qorayaal sare, oo macruuf ah.
Golaha Maskaxshiil ayaa waxa uu u taagan yahay horumarinta qoraalka iyo soosaarista qorayaal tayo sare leh oo mujtamaca aqoon ku soo kordhiya. Waxa uu goluhu la dagaallamayaa oraahda caanka dunida ka noqotay ee ah, Soomaalidu waa bulsho hadal, waxa uuna goluhu doonayaa in ay Soomaalidu ku caan noqoto beddelka oraahdaas, Soomaalidu waa bulsho qoraal iyo akhris.
Xafiiska dhexe ee golaha Maskaxshiil,
info@maskaxshiil.so
www.maskaxshiil.so
0619171795
Leave A Comment