SHAACIN: TARTANKA SHEEKO-QORISTA EE ARDAYDA DUGSIYADA SARE

Tartanka sheeko-qorista ee dugsiyada Sare waa mid ujeeddadiisu tahay baridda iyo dhiirrigelinta hal-abuurka da’yarta iyo kobcinta xirfadaha qoraal  ee ardayda dugsiyada sare, waxaana  qiimayn kaddib abaalmarin lacageed la siin doonaa guulaystayaasha 1aad, 2aad iyo 3aad.

Ciwaannada laga qori karo sheekada;

  • Waciygelinta Tahriibka
  • Dhibaatada Mukhaadaraadka
  • Nabadda
  • Waddaniyadda
  • Beenta & ballan-ka-baxa

Haddaba waxaa muhiim ah in la tixgeliyo shuruudahan hoose;

  1. Nooca sheekada lagu tartamayo waa Sheeko Gaaban, waana in ay ahaataa mid male-awaal ah (sheeko-faneed la curiyey una qoran hab qiso ahaaneed lehna jile (jileyaal) sheekadu ku socoto)
  2. Sheekadu waa in ay ahaataa mid ku qoran af Soomaali oo aan hore loo soo bandhigin ama lagu daabicin buug, wargeys ama baraha bulshada. 
  3. Sheekadu waa in ay lahaataa biloow, qayb dhexe, iyo dhammaadka sheekada
  4. Sheekada kama yaraan karto 800 oo eray, kamana badnaan karto 1800 oo eray.
  5. Doorashada nuxurka sheekada waxaa u madaxbannaan tartamaha. 
  6. Tartanka wuxuu u furan yahay ardayda dugsiyada sare ee danaynaya iskuna diiwaangeliya in ay ka qaybqaataan tartanka. 
  7. Qofku wuxuu ku tartami karaa hal sheeko kaliya.
  8. Muddada sheeko qabashadu waa inta u dhaxaysa 15 September, ilaa 05 October, 2022.

Waxaa sheekada qiimayn doona guddi ka kooban ugu yaraan 3 qof ugu badnaan 5 oo ah dad ku xeeldheer hannaanka qoraalka sheekooyinka.

Qodobbada lagu qiimeynayo sheekada

  1. In uu yahay arday dhigta DUGSI SARE
  2. Qurux badnaanta sheekada iyo soojiidashada akhristaha
  3. Fikradda iyo wacyigelinta ay xambaarsantahay sheekadu
  4. In ay tahay sheeko asal ah oo uu qofku curiyey iyo in aan horay loo shaacin
  5. In aysan ka badnayn kana yarayn tirada ereyada ee aan kor ku soo sheegnay
  6. Hab-qoraal wanaagsan iyo af Soomaali la fahmi karo

SI AAD UGA QEYBGASHO TARTANKA GUJI LINK-GA HOOSE

https://docs.google.com/forms/d/e/1FAIpQLScVAgJopyuKEI5rkVZPRUiSF2J5PjItisNBcxW-xFPs6lOVoQ/viewform

2022-09-17T12:47:43+00:00 September 15th, 2022|Maqaallo|0 Comments

Leave A Comment