SHAACIN RASMI: TARTANKA SHEEKO-QORISTA EE ARDAYDA DUGSIYADA SARE

Golaha Maskaxshiil oo ka ambaqaadaya aragtida ku aadan kobcinta Af-Soomaaliga akhris iyo qoraalba, waxa uu dhammaan ugu bishaaraynayaa inta ku foogan ama jecel qoraalka iyo sheeko curinta in ay Goluhu qabaneyo tartan sheeko curin oo sanadle ah.

Tartankan ayaa lagu baratamayaa curinta sheekooyin ku qoran Af-soomaali oo jiraal ah (nonfiction) ama mala-awaal ah (fiction) loona soo gudbinayo hab farshaxameysan.

Ujeeddada tartankan waa helidda dhigaallo Af-Soomaali ku soo baxa oo tayo heer sare ah leh iyo in barbaarta lagu dhiirrigaliyo in ay qalinka u qaataan qoridda qoraallo cilmiyeysan iyo curinta sheeko faneedyo farshaxameysan oo si xiiso leh u qoran taas oo ugu danbeyn keeneysa helidda bulsho wax akhrisa.

Tartanka sheeko-curinta ee Dugsiyada Sare waa mashruuc lagu xoojinayo garaadka iyo hal-abuurka da’yarta iyo kobcinta xirfadaha qoraal  ee ardayda Dugsiyada Sare, waxaana  qiimayn kaddib abaalmarin la siin doonaa guulaystayaasha heeraraka 1aad, 2aad iyo 3aad.

Kala Saaridda Sheekooyinka lagu Tartamayo:

Marka ay dhamaato muddada lagu soo gudbinayo qoraalka sheekooyinka lagu tartamayo, howlwadeennada Maskaxshiil ee loo xilsaaray tartankan waxa ay kala shaandheyn ku sameyn doonaan qoraallaadaas, soona saari doonaan liiska tartamayaasha sida rasmiga ah ugu soo buuxiyay xeerka tartan sheeko.

Ugu danbeynna tartamayaasha la aqbalay kaliya ayaa E-mail ahaan lagu ogaysiin doonaa, in ay soo buuxiyeen xeerka tartanka misna ay u gudbeen qiimeynta sheekada ay ku tartameen.

Qiimeynta Sheekada:

Sheeko kasta waxaa lagu qiimayn doonaa hab-qoraalka, xikmadda ka danbeysa, tiraab wanaagga iyo saamaynta ay akhristaha ku yeelan karto.

Go’aaminta Guuleystayaasha Tartanka:

Qiimeynta iyo go’aaminta guuleystayaasha tartankan waxaa go’aankeeda leh guddi ka madaxbannaan Golaha Maskaxshiil oo loo xilsaaray hawshaas, misna aan gorgortan lala gali karin. Guddigaas waxa ay ka koobnaan doonaan xeeldheerayaal suugaanta iyo Afka Soomaaliga, waxa ayna soo qiimayn doonaan darajada sheeko kastaa hesho iyo ku guulaystayaasha kaalmaha 1aad, 2-aad iyo 3-aad iyaga oo aan ka warqabin cidda qortay sheekada.

Cinwaannada laga qori karo sheekada:

  • Dhibaatada Tahriibka
  • Dhibaatada Mukhaadaraadka
  • Nabadda
  • Waddaniyadda
  • Jacaylka

Haddaba waxaa muhiim ah in la tixgeliyo shuruudahan hoose:

  1. Nooca sheekada lagu tartamayo waa Sheeko Gaaban, waana in ay ahaataa mid male-awaal ah (sheeko-faneed la curiyey una qoran hab qiso ahaaneed lehna jile ama jileyaal sheekadu ku socoto).
  2. Sheekadu waa in ay ahaataa mid ku qoran af Soomaali oo aan hore loo soo bandhigin ama lagu daabicin buug, wargeys ama baraha bulshada midna. 
  3. Sheekadu waa in ay lahaataa biloow, qayb dhexe, iyo dhammaad.
  4. Sheekada kama yaraan karto 800 oo eray, kamana badnaan karto 2000 oo eray.
  5. Doorashada nuxurka sheekada waxaa u madaxbannaan tartamaha. 
  6. Tartanka wuxuu u furan yahay ardayda Dugsiyada sare ee danaynaya iskuna diiwaangeliya in ay ka qaybqaataan tartanka. 
  7. Qofku wuxuu ku tartami karaa hal sheeko kaliya.
  8. Muddada sheeko qabashadu waa inta u dhaxaysa 01 Oktoobar ilaa 01 Noofembar, 2022.

Qodobbada lagu qiimeynayo sheekada:

  1. In uu yahay arday dhigta dugsi sare
  2. Hab-qoraal wanaagsan iyo af Soomaali la fahmi karo
  3. Qurux badnaanta sheekada iyo soojiidashada akhristaha
  4. Fikradda iyo wacyigelinta ay xambaarsantahay sheekadu
  5. In ay tahay sheeko asal ah oo uu qofku curiyey iyo in aan horay loo shaacin
  6. In aysan ka badnayn kana yarayn tirada ereyada ee aan kor ku soo sheegnay

Waxaad uu tartamuhu ku soo diri karaa sheekada email; waxaana uu soo raacinayaa xogtan hoose:

  • Magaciisa oo saddexan
  • Magaca Dugsigiisa
  • Sheekada uu ku tartamayo
  • Telefan Lambarkiisa

Email-ka lagu dirya sheekada waa:

Sheekogaaban@maskaxshiil.so 

Ama lifaaqa hoose ee Foomka Google ayuu toos u soo buuxin karaa tartamuhu.

https://docs.google.com/forms/d/e/1FAIpQLScVAgJopyuKEI5rkVZPRUiSF2J5PjItisNBcxW-xFPs6lOVoQ/viewform

2022-10-01T14:34:34+00:00 October 1st, 2022|Maxaa Cusub, Warbixinno|0 Comments

Leave A Comment