Golaha Maskaxshiil
Golaha qorayaasha Soomaaliyeed ee Maskaxshiil, waa gole ay isku bahaysteen qoraayaal Soomaaliyeed oo isugu jira: qorayaal rugcaddaa ah, kuwa dhexe iyo kuwa cusubba, si ay isaga kaashadaan curinta, qorista iyo baahinta kutubta. Goluhu waa mid u furan qore kasta oo Soomaali ah. Ujeeddada goluhu, waa iskaashiga qorayaasha, daryeelidda taya qoraalka, faafinta kutubta, kor-u-qaadidda akhriska iyo wacyi-gelinta bulshada, si loogu beddelo bulshada Soomaaliyeed bulsho wax akhrisa.
Hiraal
Goluhu waxa uu hiigsanayaa in uu noqdo horyaalka qoraalka Afka Soomaaliga.
Tubta
Goluhu si uu u gaaro hiraalkiisa, waxa uu dhiirrigelin doonaa in wax la qoro, isaga oo qoraaga ka caawin doona dhanka qoraalka iyo in uu kutubkiisa ku faafo bulshada dhexdeeda. Waxaa kale, oo uu goluhu bulshada Soomaaliyeed ku boorrin doonaa in ay kutubta Af Soomaaliga ku qoran iibsadaan, si qorista Af Soomaaligu ay u noqoto meherad loo wada heellan yahay.
Ujeeddooyinka
Ujeeddooyinka golaha Maskaxshiil waxaa ka mid ah:
b) In la helo madal kulmisa qorayaasha Soomaaliyeed, si ay iskaga kaashadaan qorista, daabacaadda iyo baahinta qoraallada, gaar ahaan kutubta iyo maqaallada.
t) In kor loo qaado tayada qoraalka, lana soo saaro qoraayaal xirfad tayeysan leh.
j) In qoraaga lagu dhiirrigeliyo sii wadista iyo joogteynta wax qorista.
x) In la abaabulo munaasabado lagu soo bandhigayo hadba buugaagta soo baxda.
kh) In bulshada Soomaaliyeed lagu dhiirigeliyo iibsashada iyo akhriska kutubta.
d) In la dhowro xuquuqaha kutubta iyo guud ahaan daabacadda.
r) In la ilaaliyo danaha qoraayaasha Soomaaliyeed.
s) Kor-u-qaadidda xoriyadda fekerka iyo hal-abuurka