Naadiga Qoraayaasha Soomaaliyeed ee Maskaxshiil oo tababbar ku saabsan qaab-qoraalka toolmoon u qabtay da’yar Soomaaliyeed

Naadiga qorayaasha Soomaaliyeed ee Maskaxshiil ayaa tababbar saddex maalmood soconayey ugu qabtay magaalada Muqdisho da’yar Soomaaliyeed oo xiiseyneysay in ay wax qoraan.

Tababbarkaan oo socday intii u dhaxeysey 31-ka  bishii 10-naad iyo 1-2-da bishan 11-aad ee 2017-ka, ayaa waxaa ka soo qeyb galay 69 qof oo isugu jiray ardeyda dugsiyada sare iyo kuwa jaamacadaha.

 

Waxaa casharro qiime leh bixinayey saddexdaas beri: qoraa C/llaahi Xuseen Xasan oo ah khabiir dhanka qoraalka ah, oo muddo 40-sano ah ku jiray qoraalka. Waxaa kale oo casharrada isna bixinayey qoraa Axmed Maxamuud Dhicisow, oo isna ilaa 50-sano ku jiray qoraalka iyo weliba qoraa Anwar Axmed Mayow, oo ah tababbare caan ah. Waxaa sidaas oo kale, si dhex taal ah ugu jiray Qoraa Suldaan Nayruus – guddoomiyaha naadiga.

 

 

Casharrada la bixinayey ayaa waxa ay ahaayeen, sida uu qofku ku noqon karo qoraa wanaagsan, waxa looga baahan yahay kolka qofku wax qorayo iyo tabaha uu marayo iyo sida uu ku soo saari karo dhigane wanaagsan. Waxaa iyana si fiican loo sharraxayey astaamaha qoraalka toolmoon iyo naxwaha af-Soomaaligaba. Sida uu akhrisku uga qeyb-qaato qoraalka wanaagsan ayaa iyadana si wanaagsan loo faahfaahiyey.

Tababbarka ayaa waxa uu ku soo gaboobey jawi heer sare ah iyada oo ardeydii ka qeyb-gashey ay aad uga maqsudeen, wax badanna ay ka kororsadeen.

 

 

Naadiga Maskaxshiil ayaa waxaa ka mid ah hawlo uu qabto, in uu soo saaro qoraayaal tayeysan oo ummadda wax wanaagsan ku soo kordhiya.

Xafiiska dhexe ee naadiga Maskaxshiil
Abuubakar Caddow Cali
info@maskaxshiil.so

2017-11-05T09:10:54+00:00 November 5th, 2017|Maxaa Cusub|0 Comments

Leave A Comment