Naaadiga qoraayaasha Soomaaliyeed ee Maskaxshiil ayaa magaalada Muqdisho shalayto (17 -11-2017) u qabtay xaflad heer sare ah oo shahaado lagu guddoonsiinayey dhallinyaro Soomaaliyeed oo gaareysay 65 qof.
Xafladdan ayaa waxaa ka soo qeyb-galay madaxda Akadeemiyadda qaranka, maamullada, jaamacadaha, dalladaha waxbarashada, dalladaha ururrada dhallinyarada iyo kuwa ardeydaba, waxa ayna xafladdaasi ka dhacdey hoteelka Hillaac UK ee magaalada Muqdisho.
Waxaa halkaas qudbad qaayo leh ka soo jeediyey guddoomiyaha Akadeemiyadda Cilmiga, Fanka iyo Suugaanta C/qaaddir Nuur Xuseen Maax, oo aad u faafaahiyey shaqada ay Akadeemiyaddu qabato isaga oo ballanqaaday in uu naadigana garab-galayo, dhallinyarada qoraalka baratayna ay Akadeemiyaddu diyaar u tahay in ay ka gacan-qabato buugta ay soo saarayaan.
Guddoomiyaha naadiga Maskaxshiil Suldaan Nayruus ayaa isna halkaas ka jeediyey qudbad dheer, oo uu uga hadlayey wax-qabadka naadiga Maskaxshiil, shaqooyinka iyo adeegga uu qalinleyda Soomaaliyeed u hayo. Waxa uu ka war-bixiyey barnaamijyada hoos-taga naadiga oo ay ka mid yihiin barnaamijyada Qoraa-kaab iyo Maan-dhis. Sidaas oo kale, waxa uu guddoomiyuhu ka war-bixiyey hawlaha kale ee socda ee uu naadigu ku hawllan yahay iyo kuwa uu qorsheynayo.
Waxaa sidaa oo kale halkaas qudbado kala duwan ka jeediyey mas’uulyiintii iyo marti-sharaftii kale ee ka soo qeyb-gashay munaasabadda, waxa ayna dhammaan wada taabteen muhimadda uu leeyahay qoraalka iyo sida dadka yagu uga gaabiyeen, oo ay u yihiin oo keliya bulsho-hadal.
Taas si la mid ah, waxaa kale oo ay isku si uga wada hadleen ahmiyadda uu leeyahay akhrisku iyo sida uu uga qeyb-qaato kobaca maskaxda iyo harumarinta hal-abuurka.
Aakhrikii, waxaa shahaado-sharaf la guddoonsiyey macallimiintii tababbarka bixinaysay iyo shakhsiyaad kale oo naadiga garab-galay.
Waxa sidaas oo kale shahaado abaalmarineed la guddoonsiiyey ardeydii dhammeysatay saddexdii cisho ee uu tababbarku socday.
Xafladda ayaa waxa ay ku soo dhammaatay jawi heer sare ah.
Xafiiska dhexe ee naadiga Maskaxshiil
Abuubakar Axmed Caddow
Muqdisho – Soomaaliya
info@maskaxshiil.so
Qaar ka mid ah sawirrada Xafladda:
Leave A Comment