Naadiga Qorayaasha Soomaaliyeed ee Maskaxshiil ayaa tababar socday afar maalmood soo socday 27-30 ee bishii 12-aad ee sannadka 2017, u qabtay qoraayaasha soo socda ee qoraalka daneeya.
Dadkaan loo qabtay tababarkaan ayaa ahaa 75 qof oo isugu jiray kuwo qoraalka ku dhex jira oo hadda buug-qoris wada iyo kuwa weli aan bilaabin laakiin niyadda ku hayey in ay qoraalka bilaabaan.
Tababar waxaa bixinayey macallimiin khuburo ku ah dhanka qoraalka, oo qaarkood muddo 50 sano ah ku soo dhex jiray.
Macallimiintaas ayaa kala ahaa:
- Cabdullaahi Maxamed Sheegow
- Axmed Maxamed Dhiciso
- Anwar Axmed Mayow
- Faadumo Abuukar Axmed
Casharradaas la bixinayey ayaa waxa ay kala ahaayeen:
- Muhimmadda Akhriska iyo sida uu uga qeyb-qaado kobaca maskaxda iyo hal-abuurka
- Xirfadaha Akhriska
- Noocyada ay u qeybsaman buugta la qoro iyo tillaabooyin loo baahan in uu qaado qorohu kolka uu buug qorayo
- Qaabka ugu habboon ee loo soo saaro dhigane wanaagsan
- Waxa ay ku kala duwan yihiin qoraalka buugga iyo qoraallada jaa’idyada lagu qoro sida maqaalka iyo faallada
- Habka wax loo curiyo iyo qaabka sheekooyinka loo qoro
- Qaabka wakhtiga loo nidaamiyo kolka wax la qorayo iyo meelaha habboon in wax lagu qoro
- Waxaa la socday layliyo oo fasalka dhexdiisa ah
Ardayda ayaa waxa ay aad uga maqsuudeen macallimiinta iyo casharradii ay bixinayeen, waxa ayna sheegeen in ay wax badan oo mugdi uga jiray ay fahmeen. Qaar ka mid ah oo buug qorayey ayaa sheegey in haddii aysan qaadan lahayn casharradaan aysan soo saari lahayn buug fiican, laakiin ay hadda dib ugu sii laabanayaan.
Naadiga Maskaxshiil ayey ka mid yihiin hawlihiisa uu u samaysan yahay in ay qoraalka kor u qaadaan, oo ay soo saaraan qoraallo tayeysan iyo qoraayaal tayo sare leh.
Ma ahan tababarkii ugu horreeyey ee uu nadigu qabto, horey ayey tababarro kale u soo qabteen, taas oo ay ka faa’iideysteen qoraal badan.
Xafiiska dhexe ee naadiga Maskaxshiil
info@maskaxshiil.so
Daawo qaar ka mid ah sawirrada tababarka:
Leave A Comment