Naadiga Maskaxshiil, waxaa uu si hagar la’aan ah ugu istaagay bandhigga buugga Rajada Ubadka ee ay qortay Naciima Cabdulle Cabdi oo ka mid ah xubnaha firfircoon ee naadiga.
Bandhiggaan oo lagu qabtay hoolka jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ayaa waxaa ka soo qeyb galay qeybaha kala duwan ee bulshada Muqdisho. Waxaa sidaa oo kale ka soo qeyb galay mas’uuliyiin ka socda dawladda FS uu ka mid ahaa wasiiru-dawlaha wasaaradda waxbarashada.
Dadka ka soo qeyb galay ayaa waxa ay gaarayeen 700 qof. Buugtii halkaas la keeney dhammaan waa la iibsaday.
Leave A Comment