MAKTABADDA WAREEGTA EE MASKAXSHIIL IYO BANDHIGGA BUUGTA GAROOWE

23-25 ta bisha lixaad ee 2019ka, waxaa lagu qabtay magaalada Garoowe ee caasimadda Dawlad-Gobaleedka  Buuntlaan Bandhiggii sannadla ahaa ee buugta.

Bandhiggaan ayaa waxaa ka soo qeybgalay qoraayaal, suugaanyanno, dhaqanyaqaanno, Bareyaal sare, Siyaasiyiin hore iyo dadka kale oo bulshada saamayn ku leh. Martidan ka qeybgalaysay bandhiggaas ayaa waxa ay ka kala yimaadeen dalka gudihiisa iyo daafaha caalamkaba.

Waxaa halkaas lagu soo bandhigay buug cusub oo kala duwan, waxa sidaas oo kale laga jeediyey qudbado qaayo lahaa oo ay jeedinayeen aqoonyanno sare.

Bandhiggaas waxaa ka qeybgalay Maktabadda Wareegta ee Maskaxshiil oo ay wadeen qoraayaal ka tirsan Golaha Maskaxshiil. Qorayaasha Golaha ayaa halkaas ku soo bandhigay buug cusub oo ay soosaareen sannadkan 2019ka. Qoreyaasha Golaha ayaa halkaas wacdaro ka muujiyey oo soo jeediyey qudbooyin kala duwan oo ka soo qeybgaleyaasha wax badan u ifiyey.

Maktabadda Maskaxshiil ayaa ahayd Maktabadii ugu weyneyd ee bandhiggaas ka qeybgasha, waxa ayna qabsatay, saddex meelood meel, haalka buugta lagu gadayey.

Makatabadda Wareegta ee Maskaxshiil ayaa waxa ay haqabtirtay dhammaan macaamiishii halkaas ka adeeganaysay, iyaga oo ka helayey dhammaan buugtii maankooda ku jirtay.

Golaha Maskaxshiil waxa uu u taagan yahay soosaarista qoraayaal tayo leh, bug anfac leh, iyo kobcinta afka iyo dhaqanka Soomaaliyeed.

MADASHADA BANDHIGGA KISMAAYO,
Golaha Maskaxshiil         

info@maskaxshiil.so
www.maskaxshiil.so 
0618146600

Halkan ka daawo sawirrada qaar ka mid ah:



2021-11-29T14:53:18+00:00 July 26th, 2019|Maxaa Cusub, Warbixinno|0 Comments

Leave A Comment