Madasha buugga ee golaha Maskaxshiil ayaa waxaa bandhig weyn ugu qabtay magaalada Mudisho buugga la yiraahdo Ismoog. Badhiggan oo dhacay 30ka bisha 12aad ee sannadka 2018 ayaa waxaa lagu qabtay hoteelka Colow Tower.
Bandhiggan oo ay soo qabanqaabisay waaxda arrimaha bulshada iyo xiriirka ee golaha Maskaxshiil ayaa waxaa ka soo qeybgalay bulshada qeybeheeda kala duwan.
Buuggan uu soo bandhigayey qoraa Sakariye Ibraahim Nageeye ayaa qoruhu waxa uu aad uga faalleeyey macnaha uu buuggu ku fadhiyo, sababta ka dambeysay in uu qoro, iyo waxyaalaha uu akhristuhu ka faa`iidi karo. Qoraha markii uu qudbaddii ka baxay, ayaa waxaa la qeydiiyey su`aalo badan oo uu dadkii ka shaafiyey.
Waxaa halkaas ka hadlay xubno isugu jiray siyaasiyiin, ciidan, baarlamaan iyo bulshada kale ee halkaas xaaddirka ku ahayd.
Bulshada oo jeclaystay buugga ayaa kolkii qudbadihii ay dhammaadeen, waxa ay u dareereen in ay buugga iibsadaan, iyada oo nuqulladii halkaas la geeyey oo dhan ay dhammaadeen.
Golaha Maskaxshiil ayaa waxa uu u dhisan yahay horumarinta qoraaga iyo qoraalka afka Soomaaliga ku qoran. Madashani waxa ay ka mid tahay hawlaha uu qabto goluhu, waxa uuna yahay ujeedka ugu muhiimsan in la isbaro qoraha iyo bulshada uu u adeegayo.
Xafiiska dhexe ee golaha Maskaxshiil,
info@maskaxshiil.so
www.maskaxshiil.so
0619171795
Hoos ka fiirso qaar ka mid ah sawirrada bandhigga:
Leave A Comment