20ka bisha 6aad ee 2019 ka, Maktabadda Wareegta ee Maskaxshiil ayaa waxaa ay booqatay Jaamacadda Salaama ee Xamar. Iyada oo weliba maalin imtixaan lagu jiray, loo ma kala harin maamul, macallimiin iyo ardayba gadashada buugta.
Maktabadda Wareegta waa garab ka mid ah laamaha Golaha Maskaxshiil, una qaabbilsan in akhristeyaasha halkooda loogu geeyo buugta, haddii looga caalwaayey in yimaadaan halkii loogu talagalay. Waa qeyb ka mid ah wacyigelinta iyo faafinta ogaalka iy akhriska.
Buugtii halkaas lagu iibsanayey waxaa koobka u qaaday buugga `Xulka Gabayada` ee uu qoray Suldaan Qabdiid
Maktabaddu waxa ay booqan doontaa dhammaan xarumaha aqoonta ee dalka.
Xarunta dhexe ee Maskaxshiil
Muqdisho, Soomaaliya
www.maskaxshiil.so
info@maskaxshiil.so
Halakan ka fiirso qaar ka mid ah masawirrada:
Leave A Comment