Naadiga Maskaxshiil ayaa waxaa ay 17. 8.2017 qado-sharaf u sameeyeen Madaxa sare ee shirkadda daabacaadda Scansom Maxamed Shiikh Xasan iyo Xaaskiisa Nasta.
Qado-sharaftaan ayaa waxa ay ka dhacday maqaayad ku taalla xeebta Liido ee magaalada Muqdisho. Waxaa qado-sharaftaas gees socday kulan wada tashi ahaa, oo ujeedkiisu ahaa sidii naadiga Maskaxshiil iyo shirkadda Scansom u wada shaqeyn karaan.
Kulankaas oo saacado badan qaatay, waxa ay labada daraf isla qaateen, in ay wada shaqeyn yeeshaan, isla markaasina iska kaashadataan dhanka daabacadda buugta iyo suuq-geynta iyo weliba bandhig-buugeedyada.
Kulankaas ayaa waxa uu ku soo gabagaboobey jawi iyo is-fahan, waxaana lagu ballamay in warqado isfahan la kala saxiixdo.
Daawo sawirro dheeraad ah:
Leave A Comment