Xubnaha naadiga ayaa waxa ay kulmeen 10. 10. 2017, waxa ayna ku kulmeen hotelka Goolis ee magaalada Muqdisho. Kulan ayaa waxaa looga arrinsanayey aqbalaadda xunbo cusub oo qoraayaal ah oo ku biirayey naadiga iyo hanuuninta xubnahaas.
Waxaa kale oo isla kulankaas looga arrinsanayey sii wadidda hawlaha naadiga iyo taabba-gelinta qorshe-yaasha googaaban ee horyaalla naadiga.
Waxaa sidoo kale kulankaas looga hadlayey sidii sare loogu qaadi lahaa tayada qoraalka iyo tababbaro loogu qaban lahaa xunbaha naadiga.
Ajande-yaasha kulankaas waxa uu ku gabagaboobay sidii loogu tala-galay, iyada oo xubnaha la wada faray in ay xubin kasta shaqada u gaarka ah qabato.
Kulanka ayaa waxa uu ku soo gabagaboobey jawi heer sare iyo farxad.
Leave A Comment