Qanaacadu waa cisi iyo dhowrsanaan, waxaa la quuto waxaa ugu wanaagsan waa qanaacada, waxayna cinwaan u tahay raalli ahaanshaha, waa in laga deeqtoonaado waxa ku jira gacan kale, waa keyd aan dhamaaneen waxay kaalmo u tahay wanaajinta nafta, waana astaanta owliyada iyo dadka suusuuban.
Suubanaha xadiith ayuu wuxuu ku leeyahay (خير المومن القانع،وشرهم الطامع) oo uu macanaheedu yahay mu’min waxaa ugu kheir badan midka wax ku qanca ah, waxaana ugu shar badan midka damaaciga ah .
Haddaba aan is weydiino ma jiraan wax yaalo kugu saacidaaya in aad qanaacasho yeelato? Dabcan haa waxaana tusaale inagu filan suubana (NNKH) sida uu noogu cadeeyay waddada qanaacada waana ruuxa in uusan fiirin dadka ka sareeya maal ahaan ee uu fiiriiyo dadka ka hooseeya markaasna uu ku shukriyo Eebbe (SW) waataa dariiqadda ugu muhiimsan ee qanaacada.
Faa’idooyinka qanaacada waxaa ka mid ah:
1. Waa hagaajinta nafta: waxaana daliil u ah
عن امير المؤمنين عن النبي صلى الله عليه السلام قال (اعون شىء على صلاح النفس القناعة )
Oo uu macnaheedu yahay in shey loo kaalmeysto wanaajinta nafta waxaa ugu fiican qanacsanaanta, haddaba akhriste waa muhiim in aan kaalmeysano qanaacada si nafteena u wanaagsanaato dhan walba si aan u gaarno halkaan hiigsanayno.
2. Xisaab fudud: waxaana daliil ah nabiga xadiith ayaa wuxuu ku leeyahay اقنع بما اوتيته يخف عليك الحساب
Oo uu macaheedu yahay ku qanac wixii lagu siiyey xisaabta halaguuu fududeeyee.
Waa faa’ido aad u weyn in aan ku qanacno Eebbe ( SWT).
3. Qanacsanaantu waa sharaf:
Waxaana daliil u ah xabiibka wuxuu yiri ثمرة القناعة العز
Oo uu macnaheedu yahay miraha ama natiijada qanaacada waa sharaf.
Najax Aadan Faarax
Leave A Comment