Khubaro ka socotay naadiga qoraayaasha Soomaaliyeed ee Maskaxshiil ayaa tababar u qabatay shaqaalaha rugta ganacsga iyo warshadaha Soomaaliyeed.
Tababarkan oo socday intii u dhaxaysay 6-8, 4, 2018 ayaa waxaa la bixinayey casharro ku saabsan qoraalka habboon ee farta Soomaaliga. Waxaa ka mid ah ahaa casharraddii halkaas laga bixinayey, Naxwaha Afka Soomaaliga, habka qoraalka, Xafaha labanlaama, astaameynta qoraalka, khaladaadka qoraaleed ee inta badan dhaca. Waxaa iyana meesha ka marnayn xiriirka ganacsiga iyo sida loo qoro waraaqadaha ganacsiga oo tusaalooyin muhiim ahaa laga bixiyey.
Waxaa bixinayey tababarkaan macallimiinta kala ah: C/llaahi Sheegow iyo Suldaan Nayruus.
Dhallinyarada qaadanaysay tababarkaan ayaa aad ugu riyaaqay, iyaga oo aad uga mahad celiyey macallimiintii bixinaysay casharrada.
Arrintani, waxa ay qeyb ka tahay dadaallada uu wado naadigu oo uu ku soo saarayo dhallin badan oo afkooda hooyo si fiican xog uga hela, una qora si wanaagsan.
Halkaan ka eeg qeybo ka mid ah sawirradii tababarkaasi
Xafiiska dhexe ee naadiga
Muqdisho – Soomaaliya
E-mail: info@maskaxshiil.so
Leave A Comment