ISFAHAMKA LAMMAANAHA

Noloshu qurux ma yeelato haddii aysan jirin waddo, hab ama hannaan la isku fahmo.  Awoodda isfahamka lammaanaha, waa mid xoojineysa xiriirka ka dhexeeya labada ruux ee dunida iyo dadka iska xushay.

Caqabadda isfaham la’aanta ka dhalata ayaa ah, in ruuxba ruuxa kale ku eedeeyo cilladaha jiro iyada oo midkeen uusan ka fikirin maxaa sababay iyo sidee ku timid.

Waxaa xaqiiqo ah haddii qofka uusan wax aqoon ah u laheyn naftiisa iyo iintiisa, waa sabab fududeyn karta isfaham la’aanta. Sidaa oo kale haddii ruuxu yahay mid aan gar qaadan, qaladkiisana la tusi karin, iyana waxa ay xoojisaa isfaham darrada.

Waxa ugu muhiimsan ayaa ah in marka hore aynnu baranno nafteenna iyo cilladeheenna, marka xiga aan qiranno dambiyadeenna iyo xad gudubkeenna. Taasi waa xalka ugu dhaw ee lagu saxo qaladaadka ka dhasha in la isla jaan qaadi waayo.

Guriga taagnaashihiisa kuma dhisna in hanti badan la heysto, owlaad badan la dhalay, qaraabo la yahay, magac iyo mansabna la huwan yahay, ee waxa uu ku dhisnaadaa jaceylka isfahamka lagu kobciyay.

Qof kasta waa uu rabaa in uu helo reer waara, nolol baraare leh, jaceyl, ubad, hanti ku filan iyo gogol nabdoon. Balse is ma weydiin maxaa ka horreeya hellidda dalabaadka nolosha? Waxaa ka horreeya ayaa ah in nafteenna aan ku tababarno bixinta waxa aan raadineyno. Aqbalaadda iyo qirashada qaladaadkeenna, hormarinta nafteenna iyo tan lamaanaheenna, ismaqal, ixtiraam, kala dambeyn, wada tashi, hoggaan iyo habsami loo dhabbagalay ayaa ah saldhigga iyo biya shubka u jeedkeenna guusha.

Sugitaanka wax walba, waxaa ka wacan kana faa’iido badan, bixinta waxa aad heyso ee aad rabi la heyd in dib laguugu abaal celiyo. Markii aad ku fikirto in aad saxan tahay, sidoo kale ku fikir in aad qaldanan karto.

Tanaasulka maaha in lagu dulmiyay, ee waa garasho iyo ka tagis wax aad adiga xaq u laheyd, waxaa se hubaal ah in aad dib u heli doonto dhammaan wixii aad dhibteysatay/abuuratay ee wanaag iyo waxtar lahaa.

Ha ku qasbin qofna in uu ku fahmo ee adiga isku day in aad fahamto tiisa, kaddibna ku raac taladiisa haddii ay quman tahay, waxna aysan kuu dhibeyn adiga. Ma jirto awood iyo muhiimmad ka weyn in la isfahmo, si loo helo dariiqa toosan oo lagu waraabiyo jaceylka ruuxda lagu koriyo.

Micnaha iyo nuxurka isfahamka xambaarsan yahay waa mid qoto dheer oo leh aayo dambe, maxaa yeellay haddii aan la isfahamsaneyn ama la isla fahmin nolosha quruxdeeda, waxaa yaraanaya kalsoonida iyo horusocodka, waxaana lumaya riyadii laga lahaa mustaqbal waara.

Faham oo baro diintaada, dhaqankaaga iyo hab nololeedka ummaddaada si aadan ugu kadsoomin ama ugu dhex lumin fahamdarrada nolosha, adigoo heli kara cilmi iyo caqli aad ku xalliso caqabadahaaga guud iyo ku waada gaarka ah.

Faham xaaskaaga xilliga adag oo ay ku jirto sida: murugada, xanuunka, caadada, wallaca, foosha iyo xaaladaha xasaasiga ah.

Saas si lamid ah, gabadhuna waa in ay fahamtaa marxaladaha adag uu ninku maro, gaar ahaan culeesyada iyo dhibka ka qabsada daruufaha la tacaalidda nolosha.

Fahamku waxa uu ka qaalisan yahay wax walba, maxaa yeelay waa dareen aamusnaan lagu xalliyo dhibka loogana guuleysto daruufaha.

Marxalad kasta oo idin culeysisa, la taga miiska wada hadalka oo isla qeexa, falanqeeya, oo aad u lafa gura kaddibna go’aan mid ah ka qaata.

ALLE ka cabso, oo ha dhibin naftaada iyo nafta walaalkaa.

Ugu dambeyn ha noqon qof la fahmi waayo, waxna fahmi waaya, ee noqo qof wax fahma dadkana wax fahamsiiya.

Waxa aan ALLE inooga baryayaa in uu inoo xoojiyo awoodda fahamka nafteenna iyo is fahamka dhexdeenna.

Qalinkii: Farxiyo Muxudiin Yuusuf “Lamafilaan”

2018-09-02T17:04:09+00:00 September 2nd, 2018|Maqaallo|0 Comments

Leave A Comment