IDMAN XAGGEE KU DAMBAYSAY?

Dhabankeeda waxaa la moodaa shumac ifaaya. Inta castahay ayaa ay ilqabadna leedahay. Bukh godan baa ay camankeedu yeeshaan markii ay qoslayso, laakiin waa baso xiir aan hal tin lagu arag. Faayaheedu si siman oo isla eg baa ay u jaran yihiin, sida ay u cad cadyihiinna warqad ba la mooddaa. Dahab boqol garaam ah ayaa labada dhegood ugu jira, farahana mid kale ayaa ugu tixin. Dhar xariir ah baa ay xirantahay. Inta joog leedahay ayaa ay jir leedahay. Naasuhu dhowaan baa ay kobceen, laakiin sal ma lahan oo baasiin ay hadda ka hor ku gubatay baa bari la’aan dhigay.

Waxa ay jeceshahay in ay u socoto sida naagaha dharka xayaysiiya oo kale, qaabkoodana waa ay u labbisataa. Dharka kii soo baxa waa ay xirataa, laakiin waa jiis aan dhulka ka istaagi karin, oo naafa-wade ayaa lagu dhaqaajiyaa. Ma shaqeeysato mana darawsato, ee walaasheed ka wayn baa Talyaaniga lacag uga soo dirta. Adduunka waxaa ay ugu jeceshahay in ay guursato nin muqaadaraadka aad u isticmala, laakiin cid salaanta xitaa ma jirto oo waataas cuqdad nafsiga la socon kari wayday.

Waxaa ay aad ula yaabta dadka qaba xanuunnada dhimirka, waayo? Waxa ay aamminsantahay in ay is yeel yeelayaan. Indhaheedu waa ay cad cadyihiin waana buur buuranihiin, baarar qalin la moodo ayaa ku hareeraysan; balse, weligeed wanaag kuma aysan eegin. Buugga Maana-Faay ayaa gaarigeeda yar ee naafada u saaran, dhibkeedu se waa in aysan waxna qorin waxna akhrin.

Wiil abtigeed dhalay ayaa ay ka codsan jirtay in uu dalxiis u geeyo hoteel Curubo; ha yeeshee, laftirkiisa ayaa ay kula tuman jirtay qolka afaraad. Xanuun daran baa ku soo booday bilo ka dib, eeddadeed Kalsoon Faarax oo iyaduba jirran, garoobna ahayd, carruur saddex ah oo lagu soo farayna ay u joogaan, ayaa se guriga joogta oo cid kale oo dabiibta ma leh.

Aabbeheed markii uu hooyadeed furay baa ugu war dambeysay, hooyadeedna nin kale kale ayaa ku qaba Gaayawurroow. Nin adeerkeed ah oo taksiile ahaa baa u yimid oo labadoodii u qaaday isbitaal Martiini, dhiigag iyo kaadi ayaa laga qaaday labadoodii, jawaabtii se waxa ay noqotay mid isku mid ah oo aan ka qoslin doonin midkoodna. Uur ayaa laga soo sheegay? Uur?!

Idman Cabdulle waaba ay ogeyd in uur jiro oo dhowr mar oo hore ayaa ay iska shakiday, cidda ay sababsanayso waa ay taqaan oo waa ina abtigii ay H.Curubo kula tuman jirtay. Kalsoon Faarax iyada yaa uureeyay? Waa tii nin nin la’aanta ahayde. Labadoodaba waxaa wada uureeyay Geeddi Gardaadashe oo ay ilmo abti iyo ilmo eeddo yihiin Idman.

Ninkii taksiilaha ahaa ee adeerkood ahaa baa halkii uga dhuuntay ka gadaal markii uu ogaaday cilladaha naagaha, dib dambena uguma soo laaban waxa uuse ku fiicnaa cid uu u sheegay may jirin in gabdhuhu uur leeyihiin oo waa uu u ceeb qariyay, waaba haddii uur qarsoomqayo. Gabdhihii iyagoo bistood ah baa ay guriga yimideen, taksi baa ay soo kiraysteen si kale kuma imaan karine, waana kuwaa isku garab dhecay. Dabka waxaa u shida ma leh, cid daryeelaysa ma leh, ciddii caloosha u buuxidayna meel kuma sheegaan, Allow ceebta astur! Waxa ay is weydiiyeen in midkood xalaal yahay Alla ku saarrada ay sidaan, waase iska heli waayeen mid xalaal, cidda uuraysay ayaa ay midba kan kale is weydiiyeen? saa waaba hal nin!

Wiilkii ebtalada dhigay oo iska socda baa u soo galay, aad baa ay u farxeeen, labadoodu, waa soo dhoweeyeen, qado VIP ah baa ay u sameeyeen, waayagii tacbaanka ahaaye fax fax baa ay noqdeen, wiilkii markii uu qadeeyay baa ay arrinkii u daadiyeen. Waxa ay aad uga dhaadhiciyeen in uu gurigaan iyo reerkaan ku raaxaysan doono labadooduna ay raalli iska yihiin oo aannay isku masayri doonin, weliba Idman lacagleey baa ay ahayd oo walaasheed baa lacag u soo diri jirtaye.

Isla jeerkaasba jeeg baa ay farta ka saartay. Wiilkii inta farxay baa uu si fiican madaxa u luxay, arrinkiina dusha ayaa uu u ritay. Inta aan uurkii soo waynaanba labadodii baa uu hal maalin la wada aqal galay, lacagta arooskana Idman baa bixisay. Wiilkii inta bullaalay baa dhuusadiisu caraf isku rugtay, rag sabool ah oo uu la sheekaystana maalinkaas baa ugu dambeysay. Reerkii oo ka kooban labaatan iyo shan ruux oo idman, Kalsoon iyo Geeddi Gardaashe ay u wada dhan yihiin, waxaa ay hadda deggan yihiin fillo dheer oo ku taal xaafadda Islii ee magaalada Neyroobi.

Noloshoodu waa tan ugu sarreysa. Wiil ay dhaleen ayaa laba jeer safiir looga dhigay waddan kale, gabar ay Idman dhashayna wasaaradda caafimaadka ee Soomaaliya ayaa ay laba jeer wasiir ka noqotay. Geeddi Gardaadshe sannadkaan waxa uu u sharraxanyahay madaxwayne maamul goboleed, haddii uu waayan qorshihiisu waa in uu isku soo taago madaxwaynaha ugu sarreeya ee Soomaaliya.

W/Q: Cabdisalaam-Ceeryaamo
Shekeeye288@gmail.com

2019-07-09T15:51:24+00:00 July 9th, 2019|Maqaallo|0 Comments

Leave A Comment