GORFEYNTA BUUGGA MURUGO: Qalbi Taajir

Bismillah;
Waxaan dhammeeyay buug layaab leh oo akhriskiisu igu qaatay 5 saacadood oo xiriir ah, haddaba, hoos ka akhri bogagga ugu layaabka badan buuggan;

Samaratar waa askari loo tababaray keliya in uu dad dilo, inta dagaalkii lagu jabiyay oo ay ciidankii la socday iyo asagii kala firxadeen ahay is raaceen mid ay dagaalka ku wada jireen oo ay naf lacaarid iskugu imaadeen; iyaga oo jihadu ka lunsan tahay ayaa waxa ay ku soo baxeem reer meel daggan. Isla daqiiqaddiiba odaygii reerka lahaa ayaa guriga ku cararay kalana soo baxay qor Ak 47 ah si uu isku difaaco; waa lakala baqay, Samatar ayaa bilaabay in uu odayga u sheego in aysan dhib wadin. Haddii odaygii iyo labadii nin is fahmeen waxaa uu odaygii si deg deg ah u sooray nimankii oomanaa, waxana uu u loogay xoolo ay ku hamuun tirtaan – markii ay dhargeen ayuu sharmaarke ku yiri Samatar, “odayga aannu dilno!” ………Bogga 34aad ee buugga..

Markan Samatar waxa ay isbarteen Sigad oo ka mid ah burcad badeedda joogta Boosaaso, waxana laga dhaadhiciyay in uu ku biiro burcaddaas oo berriba uu baxo, raacana rag dooni yar fuulaya – waxa uu si cabsi ay ka muuqatoh u raacay doontii – taliyihii indhaha guduudnaa ayaa Samatar dhabarka ka dharbaaxay asaga oo ku leh, “wiilkaagaan yar, is noolee shaqo adag baa noo taal e”. Waxa la aaday badweynta Hindiya, waxa ay cayrsanayeen hadba markabkii ay arkaan, ugu dambayn waxa ay heleen Markab badeeco usoo siday Xamar, asaga ayayna diiradda saarteen. Dagaal xooggan ayaa ay galeen, markabku biyo xooggan ayuu ku sayrinayaa saxiimadda Samatar saaran yahay, ayaguna way dagaalamayaan – Taliyihii indhaha guudnaa oo saxiimada jambigeeda ku taagan ayay xabbad ku dhacday, biyaha ayuuna ku dhacay, waxa kale oo saxiimaddii laga qarxiyay matoorkii – markabkiina waa ka cararay.
Maalinkii 6 ayaga oo badda saaran biyo cuntana aan haysan, ninna dhaawac yahay ayaa kii dhaawaca ahaa u dhintay dhaawicii, labadii kale iyo Samatar oo gaajo iyo oo la hadli la ayaa saxiimadda iska dhex fadhiya. Roob ayaa a’aya, waa habayn gudcur ah, waa maalinkii 13aad. Mid kamid ah nimankii ayaa yiri, ” gaajo looma dhiman doono, oo mid ayaan qalan doonaa” Samatar wadnaha ayaa dhaqdhaqaaqay.. Maxaa xigay……………… Bogga 87aad

Samatar waa safar markan, garoonka Pole ee addisababa ayuu kusii yahay transit – kursigiisa ku dhaggan waxa soo fariisatay Naciimo- laakiin sheeko ma yaqaan, ayaduna way ka heshay. Naciimo waa dhaqtarad wax ku baratay Sudan, waxa ay ka shaqaysaa U.A.E laakiin ninkaan waligii wax ma qorin mana akhrin…….. Maxaa xigay …. Bogga 49aad

Markan Samatar isbitaal ku yaal boosaaso ayaa lagu dawaynayaa, mana haysto wax lacag ah oo uu daawada iskaga bixiyo.. Bogga 90aad

Markan samatar waxaa lagu xiray xabsi ku yaalla Muqdisho, waxana uu qol la hurdaa Kuusow oo isna 15 sano lagu xukumay, samatar ma yaqaan cid garab siisa oo xabsiga ka saarta…….Bogga 43aad

Markan waa maareeyahay shirkad ku taalla imaaraadka carabta, waxana uu qaata mushaar wanaagsan – waxa Boosaaso u dagan oo caruur u haysa Naciimo, laakiin asaga waa uu khiyaamay oo waxa uu iskaga tamashleeyaa Imaaraadka Carabta. Naciimana ma oga, Naciimo way soo duushay ayada oona u sheegin si ay kedis ugu ogaato waxa uu samaynayo..
Waxa ay si kedis ah usoo gashay xafiiskiisa, mise Sucaad ayaa Samatar dhexda haysata, Sucaad waa xaas cusub oo u guursaday …… Bogga 82aad…

Markan isbitaal Imaaraadka ku yaal ayaa lagu dabiibayaa, waxana uu ka jaban yahay bowdada iyo labada gacmood………. Bogga…. 95aad

Markan Boosaaso ayuu joogaa asaga oo biro ku boodaya, waxana uu tagay gurigii xaaskiisa Naciimo – inkastoo gabadha shaqaalaha ay tuugsade moodday haddana gurigii gal…..Bogga 136aad.

Dhammaan xogtan waxa aad si qiiro leh ugu dhadhansanaysaa buuggan MURUGO ee fadlan hadda raadi Mahadsanid
Waxaa qoray bugga MURUGO: Maxamed Xasan Cirro

 

 

Gorfeynta Buugga- Qalbi Taajir

2019-07-09T16:19:33+00:00 July 9th, 2019|Maqaallo|0 Comments

Leave A Comment