Gorfeynta Buugga Horor iyo Kalgacal

Horor iyo Kalgacal

Sheekadii Qarniga

28.02.2018

Lix iyo laabatankii febraayo ee 2018 ayaan ka qayb-galay bandhig lagu daahfuray daabacaaddii 4aad ee dhiganaha “Horor iyo Kalgacal”oo lagu qabtay Jaamacadda Soomaaliya (SIU) Faraceeda Hawlwadaag – Muqdisho.

Qoraaga buuggu waa Caliqeyr Muxumed Nuur;  af-aqool (linguist) aad ugu xeeldheer dhaqanka iyo afka Soomaaliga kana mid ahwaayeelka tirsan ee qarnigaan la oran karo waxay dhaxal huban u reebayaanjiilasha ka dambeeya. Buugta uu qoraywaxaa ugu caansan “Abtirsiinta Erayga Af Soomaaliga” oo uu ku soo bandhigay xeer la yiraa ‘Xeerka Abtirsiinta Erayga Af Soomaaliga’ iyo 180 eray oo uu yiri waxay sal u yihiin Af-Soomaaliga oo dhan. Taasi waxay noqotay qormo kuu ballanqaadaysa inaad si qota dheer u fahanto macnaha eray kasta oo Af-Soomaali ah lahjaddii uu doonaba ha ahaadee, dhanka kalana waxay ahayd tub ku cusub laamaha daaraasaadka afafka adduunka.

 Horor iyo Kalgacal

Macnaha “horor” wuxuu qaamuuska Yaasiin C. Keenadiid ku fasirayaa –si bareer ah, kan xoog iyo gardarro wax ku qaata. Sidaas awgeed qisadu waa jaceyl iyo colaad isku lamaanan. Laan ahaan, waa suugaan, haddana waxaa kaaga dhex muuqanaya taariikh & cilmi bulsheed oo ka kooban dhab iyo dhalanteed si qurxan la iskugu marriimay. Hal-abuurnimada qoraaga ayaase shaki kaa gelinaysa  in ay sheekadu tahay run ama wax samays ah oo la curiyey.  Bal aan wax yar ka soo gooyo qayb sheekada bilowgeeda  ku jirta.-

 ……

Markaan hurdadii ka toosay ayaan soo xusuustay arrin uu iiga warranay widaaygeey Dhool. Isagu weli ma uu islaamin oo diintii awoowayaal ayuu haystaa. Mowlaciisa waxaa afaafad u ah dhambal lagu xardhay astaamihii ayaanka ama boqorka oo ka kooban guduud, caddaan iyo madow. Madowgu wuxuu u taagan yahay ayaanka taranka, samaanta, Waaqa, dheddigga, taraaraha (mustaqbalka) iyo wax kasta ee togan1. Caddaankuna waa ayaanka geerida, shaydaanka, xumaanta, labka, tagtada (wixii la soo dhaafay) iyo wax kasta ee taban2. Guduudkuna wuxuu u taagan yahay heerka u dhexeeya  dhimashada & dhalashada; xagga milaygana  (waqtiga) waa goorta la joogo.

Sida la rumaysan yahay; ilmaha yar tintoodu waa madow oo xiriir dhow bay la leeyihiin ayaanka madow ee Waaqa. Duqowdana tintoodu waa cirro cad oo waxay xiriir dhow la leeyihiin ayaanka geerida oo ah boqorka waaxdiisa cad; waa qaybta laga dhigto asaayda, hengelka ama murugada lagu muujiyo. Barbaartana wuxuu dhaqanku farayaa inay tinta guduudsadaan sida aniga oo kale, sababta oo ah waa lama-huraan inay buuxiyaan boqorka waaxdiisa guduudan. Balse beryahan waxaa batay odayada barbaarta isu ekeysiiya ee madaxa marsanaya caleenta cillaanka ama dambaska barraanka iyo gabiib la isku qasay oo tinta guduudiya. Barbaar bay isu ekeysiinayaan.

Haddaba, aniga oo shalay baarka si fiican u guduudsaday ayaan maalintii xigtay is aragnay Dhool. Intuu madaxayga eegay ayuu ku muusaabay: “Sidaan buu Waaqu jecel yahay”.

Wuxuu aad uga careysnaa dhaqan ugub ah oo ay barbaartu guudka ku caddeystaan, lana yiraa ‘baarcadde’ oo ay madaxoodii cirro u rogayaan iyo odaygaal tinta guduudsanaya. Waxaas buu u arkayaa inay murjinayaan xeerarkii nolosha ee ay arrin kastaaba meesheeda lahayd. Wuxuu igu yiri: “Xaydarow abaaraha iyo colaadaha batay waxaa sabab u ah in laga weecday seerihii uu Waaqayagu jideeyey. Waaqii  ayey yiraahdeen waa if (nuur) wuuna hadlaa, hooyooyinkii ayaa dhigay dhuugii madoobaa oo marasho cad qaatay, idihii ayaa loo qalayaa wax aan siinwaaq1 ahayn, dhirtii ayaa loo jarayaa wax aan dan ahayn, dumarkii ayaa wax bireynaya. Adiguba malee ee sidee Waaqu ugu gargaari cid aanan xeerkiisii dhowra hayn”.

Awoowayaashii hore waxay rumaysnaayeen inay dumarku yihiin noole barakaysan. ‘Waa ishii nolosha’ ayaa la oran jiray oo lama dili jirin, iyagana way ka reebbanayd inay dilaan wax naf leh. Naag kastaa waxay isu haysatay inay hooyo u tahay uumanka oo dhan. Sidaas awgeed naagta disha wax nool waxaa loo arkayey  hooyo ilmaheedii dishay oo aad baa looga murgi jiray. Gefka sidaas ah Waaqa ayaa looga laaban jiray oo geedaha carfa ayaa qoryahooda oog laga shidi jiray;  wanan iyo sabeenna aan curan baa la qalayey; tintaa laga xiirayey ciddii uu gefku ka dhacay waxaana loogu meyrayey durdurrada. Maalin dhan baa Waaqa badbaado laga magansanayey oo galmaha2 lagu sugnaan jiray. Maantase naagtii wax bay dili, iyadiina waa la dilayaa ama waa la kufsanayaa.

Wax badan ayuu Dhool iimeynayaa. Laftigaygu ma jecli dumarka wax dila, taas baana sabab u ah in xataa riyada dhexdeeda aan gacmihii Ladan dhiig ka eegay.

 ……….

Xaydar Garfuul oo ah astaanta koowaad ee sheekadu waa wiil reerkiisa lagu barakicinayo dagaalkaas wuxuuna la toloobayaa  reero Soomaaliyeed balse aan ku beel ahayn. Tolowgaasi wuxuu madmadow badan gelinayaa nasabkiisa oo waxaa carriga ku faafaya in aanay dhalashadiisu sugnayn. Waa warka hurin doona colaad labaad oo ka bilaabanaysa gabadhii uu guursan lahaa oo uu dhalay ugaaska beeshu. Xaydar waa loo diidayaa gabadha, balse wuxuu la baxsanayaa goor uu dhiig badani daatay, wuxuuna ula kacayaa galbkeedka Soomaaliya oo ah halkii uu markii hore ka soo qaxay. Halkaas ayuu ku aqal gelayaa balse guurkiisii ayaa waxaa la kowsanaya colaadihii Soomaalida iyo Xabshida ee diinta la xiriiray oo dib uga qarxay isla geyigii uu ku aqal-galay. Mar labaad ayuu waranka u qaadanayaa colaad aad u foolxun.

Caliqeyr oo oo sheekada u qoray habkii qofka koowaad oo isagu iska warramaya ayaa muujinaya sidii uu Xaydar dareemay markii looga adkaaday dagaal uu la galay rag ka daba yimid isaga oo la baxsanaya Ladan Ugaas Geeddi. Xaydar oo markii Ladan lagala haray guul-darro la hoyaaday ayaa keligiis dhul cidla ah u baxaya, wuxuu oranayaa.-

 ………

Waxaan kaynaan hardaf1 ah faraska ku wadaba goor galabtii ah ayaan soo dul istaagay buur yar. ‘Deeg deeg2’ ayaan iri aniga oo doonaya in aan naftayda waalanaysa dejiyo. Markuu faraskii ii joogsaday ayaan geesaha dhugtay. Bilicda dalku iyadaaba leh dareen hiyiwaale ah iyo hamuun aan fiirsasho looga bogan karin. Waxaan halkaas ka arkay yihaab biciid ah oo inta dhallinta ah iyo inta dhallaanka ahi isla eg yihiin, halkaasna waxaa iiga muuqda guutooyin shimbirihii cadcaddaa ee  xuunshada ah oo caadka sokadiisa haadaya. Haddaan hoos eegayna dhulku waa uu wada nuuxsanayaa; shinnida, balanbaalista, xorqodka, jirjirroolaha, idabadista iyo waxaa dhirtii daboolay yaryare kumanaan jaad ah; maba arkayo cid kaligeed socota oo aan aniga ka ahayn.

Runtii, wehel baan doonayaa iyo in aan taran reebo; ma waxaan ka liitaa shimbirahaas shiliqleeyda ah ee buulasha ay ukumaha ka buuxsadeen kor heehaabaya?  Mirihii dhulka ku dhacay dhirtaas bay isu rogeen oo midna ma ay dhiman aniguna mirahaas ayaan ka mid ahay waana inaan baxaa oo qurxoonaadaa; waa inaan fiidshaa oo aan mira dhalaa.

Keligay baan isla hadlay oo deegaanta hortayda ah ayaan tusaale ka dhigtay. Eegmo labaad ayaan u celiyey geed siiq ah oo laamihii kor u baxay ay dhulka u soo rogmeen ee markay ciidda cuskadeen haddana xididdo yeeshay ee sidii geed kale kor u sii baxay. Waa geed gaafo iyo dheef leh, waana geedka aan ka sameeyey halxiraalaha ah: “geed jiriddda xidid ku leh, baarka xidid ku leh, dhexda xidid ku leh”. Saddex jirid ayuu leeyahay oo wuxuu u dhigmaa wiil iyo abkowgiis oo nolosha isku soo gaaray, waana sida aan rabo. Geedkaan iyo dhirta heeladkiisa ahi intay naqoobeen ayaa waxaa dushooda ka baxaya uumi la moodo harawidii webi Ganaane, waa harawi dhulka ku dedaysa ceeryaamo huuncad ah oo iga qarinaysa wax kasta ee ay ishu u bogaysay. Arrimaha qaar waa sida ceeryaamadaas, dad ayaase u qaata ood weyn oo  hortooda la dhigay. Aniga, aragtidaydu intaas way ka dheer tahay oo waxaan isha u lalinayaa qorraxda galabeed ee uu dacalkeedii shishe iga qarsamay, waxaase ii muuqda intii badnayd iyo fallaaraheeda la moodayo baarka qaalin maycas ah oo ku sii libdhaysa higilka kaymaha ugbaaday. Si sugan ayaan u hubaa inay berri soo noqonayso, waana is hursannahay aniga iyo lamaantaydu.

Guul baan hilaadinayaa iyo inaan Ladan dib u helo. Laakooyinka1 ubaxa leh iyo cawska ruuncaska ahna waxay i leeyihiin ‘jiilaalka ma gaarnee arrinka deddeji, oo dagaalka wad inta uu cirku kuu irmaan yahay’.

……

Maxaan ka baran karnaa sheekada?

Maadama ay tahay sheeko miyioo weliba dhacday qarnigii 16aad waxay muuqaal la yaab leh naga siinaysaa sida uu ahaa dhaqanka miyigu. Waxaa ka buuxa dhacdooyin ah  cir-aanayn, caadooyin la xiriira diimihii hore ee Soomaalida, quraafaad, af-tahamo, geesinnimo, deeqsinnimo, doqonnimo, ragannimo iyo Alle ka cabsi oo intuba kuu sawiraya dhaqan-bulsheedxumaan iyo samaanba leh. Haddana afka uu buuggu ku qoran yahay oo hodon ah darteed ayuu qoraagu eray-fur u sameeyey erayada adag qaarkood, bal kuwan ila eega.-

  1. Jaxeer: Labka weyn ee cawsha, labka yari waa erji. Dheddigga weyni waa dambacas, dheddigga yarna waa dunuq. Dhallaankuna lab iyo dheddigba waa ’gibno’.
  2. Abgaal: Abgaalle; qof hoodo u leh geela. Qof leh  tawaan iyo ayaan-samo u gaar ah geela. Wuxuu lid ku yahay ‘kuxdin-awr’  oo qofkii ku dhasha la rumaysan yahay in uu ayaan xun u leeyahay geela.
  1. Baanato: Qof ku xeel dheer jirrooyinka xubnaha taranka. Waa waxa afka qalaad lagu yiraa ‘gynecology’.
  1. Kuntulaysanayo: Kuntulo; garabka oo inta lix meel laga xogo la mariyo caanaha qabada kaddibna haaro isu rogta. Aakhira waxaa lagu oranayaa ayaa la yiraa ’maxaadan u kuntulaysan, maxaadan u shaf-xariiran oo maxaadan u dhega-raaman?. Saddexduba waxay ahaayeen fal Waaqa loogu dhowaanayo.
  1. Xulad: Qoray dab ah oo lagu dhaarto. Sida la rumaysnaa, qoraygaas xuladka ahi ma gubayo qofkii run sheegaya. Waa caado la xiriirta diintii Waaqeefatada ee islaamka ka hor.
  1. Siig: Ugaar goodirka iyo carowlaha ku bah ah. Goodirkana wuu ka weyn yahay, carowlahana wuu ka yar yahay.
  1. Adaafiir: Bahda daanyeerka tan ugu weyn. ’Gorilla’ ayaa afka qalaad lagu yiraa.

Erayadaas iyo kuwa badan oo sheekada ku soo arooraya balse aadan maanta ka helayn qaamuusyada ayaa buugga ku badan, waxaanan oran lahaa waa sheekadii ugu qotada dheereyd xagga af Soomaaliga intii aan suugaan akhrinayey. La yaabka kale ee aan buuggan ku arkay ayaa ah qabiillada Soomaaliyeed ee uu toos u adeegsanayo, waxaa awal suugaanleyda sunna u ahayd weedha ‘Reer Qurac iyo Reer Qansax’ qoraaguse wuxuu falay dhabbe aanan hortiis la qaadin. Jilayaal badan ayuu qabiilkoodu halkaan ku sheegan yahay. Maahmaah baa tiraa wax la qariyo qurun baa ku jira. Soomaalidu aad bay u qarisaa qabiilka haddana ma dhigto oo way ku dhaqantaa. Waxay akhristayaal badani soo dhoweeyeen sida uu Caliqeyr u caadiyeeyey wax aan lagu dhiirran jirin.  Hawle (Madhibaan), Habargidir, Abgaal, Ogaadeen, Jaarso, Karanle, Gedabiirsi, Marreexaan, Habaryoonis, Jidle, Gaaljecel, Luwaay, Laysaan, Bartire, Xawaalde, Jajeele iyo kuwa kale oo badanba door ayey uga jiraan sheekada.

Si aan u aragno, habka tebinta sheekada naloogu gudbinayo iyo muuqaalka ay qisadu ka bixinayso aftahamada Soomaalidii hore bal aan mar kale qayb yar idiinkaga soo gooyo buugga.-

Magan Geelle, Biixi Geelle iyo Muuse Weyrax waxay tageen carradii Direed. Doondoonis dheer kaddibna way heleen qoyskii Ladan ka dhalatay. Guriga Ugaasku wuxuu caan ku ahaa marti-soor joogta ah iyo ciddii qalaad ee isaga ku soo hormarta in aanay reer kale u gudbin. Wiilashu habeenkaas waxay tooyadeen aqalka Ugaaska  iyaga oo iska dhigaya  dad goobaya geel dhumay oo carrigaan loogu soo baytiyey. Hubaal, si qurxan baa loo soo dhoweeyey oo aqalka heeladkiisa ayaa duggaal wacan loo goglay. Waana amuur Alle isla doontaye xeeradii cunnada ahayd ayaa Ladan loogu soo dhiibay. Iyaduna way dhaad qabtay ee markey badarkii u keentay ayey xeerada laba jeer dhulka dhigtay oo haddana kor u qaadday oo dhulka dhigtay.

Wiilashu, way dareemeen baaqaas. Misna, Biixi oo ragga u weynaa ayaa gabyey isaga oo magacii Ladan ka dhigaya Bilan, magaceygana Bullaale. Faraskii aan Ladan kula baxsaday ayaa Bullaale la yiraa; sirta meesha ku jirtaana waa inay Ladan si fudud wax u garato. Biixi wuxuu yiri:

Banan doogay, geyigoo bacrina bayddi iyo hoodo

Guryo bilan reerkoo bad-qaba baro haddey soofto

Adiguna buseelkii qabtiyo jamasha buux-dhaaftay

Bullaalana baxnaanadi hayaa beri halkuu joogay

Allow yaa bidhaan quruxsaney baga’ u looyaama

Allow yaa baroortuu hayiyo baylah uga deeqa?

Marka uu Biixi sidaas yiri ayuu Muuse Weyrax oo maansada hiboole ku ahaa gabyey. Xilligaas barqada ah ayuu diidayaa ee uu Biixi sarbeebayo in gabadha lala fakado. Wuxuu isna yiri:

Baadidi haddaan soo bulneen ‘Bilan’ u heesaynno

Waqeer laguma baajiyo halkay bela dhowaataaye

Qorshe Hawle baaraamiyaan baaqan weligii eh

Barqa-gibinba waxa aan lahaa baradi sii gey eh

Bullaalaan lahaa baad la gaar baahi yuu dhiman eh

Maxay negi na tari Biixiyow booqashaan nahaye?

Labada wiil midba wuxuu cagta dhigay  hadba meesha ay  mareeddu uga dhowdahay guusha. Waxaase markiisa qaatay Magan oo ragga ugu yar hase ahaatee doonaya in isla caawa gabadha la boojiyo oo lala guureeyo. Wuxuu isna yiri:

Ina Weyrax iyo Biixiyow hadal ku baankiinna

Idinkaa bilkeedina hayee waa horaan baqay eh

Kuna boqornay Hawlaha qorshaan baaqan weligii  eh

Haddey Bilan halkii loo bedraa baalka dhiganeyso

Bufta ariga asey naga dabcaan erayga booyaanku

Berriteer maxaa curan hadday nala baxaysaa eh?

Hadalkaas ay wiilashu ku yooyoomayeen cidna dheg uma dhigin. Haddii loo dhug yeeshana waxay u muuqanayaan rag ka doodaya xoolihii baadida ahaa ee ka maqnaa. Ladanna way dhegeysanaysay iyada oo wax og. Gabaygii dambe ee Magan tiriyey ayey u bogtay, markaas bay si hoose ugu tiri ‘ballanteennu waa taas’. Wayna ka laabatay.

“Horor iyo Kalgacal” waxay tamar cusub ku afuuftay suugaantii godka u janjeertay, qorayaasha maantana waxay u noqonaysaa tusaale wax laga dheegan karo.Ha ahaato dhisidda hanka Soomaalinnimada, farshaxanka gudbinta, dhadhanka sheekada, habka maamiyadda qotoda dheer ee qoraagu wax u dhigay, kani waa buug lama dhaafaan ah. Aad baan u mahadinayaa inaan ka mid noqdo dadkii ugu horreeyey ee uu gacantooda galo, qof kasta ama qoraa kastana waan ku dhiirri gelinayaa inuu nuqulkiisa hanto.

Najax Aadan Faarax

Muqdisho, Soomaaliya

2018-03-08T18:21:53+00:00 March 8th, 2018|Maqaallo|0 Comments

Leave A Comment