Golaha Qorayaasha Soomaaliyeed ayaa tababar saddex maalmood soconayey u soo gabagabeeyey dhallinyaro gaaraysay 80 arday.
Tababarkan oo ka dhacay jaamacadda SWED ayaa waxaa la qabtay maalmaha 8-10 Agoosto 2018, waxaana lagu baranayey casharro kala duwan oo diiradda lagu saarayey qaabka ugu fiican ee buug loo qoro.
Waxaa casharradan bixinayey khuburo in badan qoraalka ku soo jirtay, soona saaray buug kale duwan oo waddanka aad uga shaacbaxay.
Ardaydan loo qabanayey tababarkan ayaa waxa ay ahaayeen arday ka kala timid jaamacadaha kala duwan ee magaalada Muqdisho. Dhammaantood waxa ay xiisaynayeen qoraalka, iyada oo qaar ka mid ah buug-qoris markaa ku dhex jirtay.
Tababarkan ayaa haa kii lixaad ee uu qabto Golaha Maskaxshiil intii uu jiray, waxaana ka faa’iidaystay arday gaaraysay 500, oo in ka mid ah buug soo saareen.
Tababarkani, waxa uu ku soo gabagaboobay jawi heer sare ah oo farxad gelinaysay ka qeyb galeyaashii oo dhan.
Xafiiska dhexe ee golaha Maskaxshiil
info@maskaxshiil.so
Qeybo ka mid ah sawirradii aqoonkororsigaas laga qaaday:
Leave A Comment