GOLAHA QORAYAASHA SOOMAALIYEED EE MASKAXSHIIL OO KA QEYBGALAY CARWADA BUUGTA MUQDISHO

Golaha Qorayaasha Soomaaliyeed ee Maskaxshiil ayaa ka qeybgalay Carwada Buugta Muqdisho oo soconayey 1-3da Diseenbar, 2021. Golaha ayaa Carwada geeyey buugtii ay soosaareen xubnihiisu labadii sano ee ugu dambeysay.

Akhristeyaasha oo aad u xiiseeya Bandhiggan iyo Buugta ay soosaaraan Xubnaha Golaha ayaad ugu soo xoomay Aagga ay yaalleen Buugta Golaha.

Madaxda iyo Qeybta Suuqgeynta Golaha ayaa halkaas ku qaabilay Akhristeeyaasha iyaga oo soo dhaweynta iyo qancinta macaamiishaba aad isugu hawlay.

Sidaas oo kale, wuxuu Goluhu qeyb weyn ka qaatay abaabulka, hadaljeedinta, iyo buug-ka-warranka Bandhigga.

Carwada Buugta ee Muqdisho ayaa ah sannadkii lixaad ee la qabto, kaas oo bilay oo kor u qaaday akhriska iyo qoraalka magaalada Muqdisho.

Xarunta Dhexe ee Maskaxshiil

2021-12-03T16:54:47+00:00 December 3rd, 2021|Maqaallo, Maxaa Cusub, Warbixinno|0 Comments

Leave A Comment