Golaha Qoraayaasha Soomaaliyeed ayaa aad u taageeray manhajka cusub ee ay wasaaradda waxbarashada iyo baarbaarintu dhawaan soosaartay.
Golaha oo horay warqado talobixin ah ugu diray xafiiska wasaaradda dhawr jeerna la kulmay, ayaa aad ugu faraxsan in talooyinkii uu bixiyey in ka mid ah la fuliyey. Waxa uu goluhu horay ugu talabixiyey in manhajka hordhaca ah ee af Soomaaliga lagu qorayo la gaarsiiyo ilaa dugsi dhexe. Laakiin waxa aan rajaynaynaa in sannadaha soo socda la hirgelin doono ilaa dugsi sarena la gaarsiin manhajka af Soomaaliga lagu qorayo.
Manhajka hadda wasaaraddu ay diyaasisay ee af Soomaaliga lagu qoray waa ilaa fasalka afaraad marka laga reebo laba buug oo afka Carabiga iyo Ingiriirka ku qoran.
Goluhu waxa uu u arkaa tillaabo horay loo qaaday, waxa ayna qeyb libaax leh ka qaadanaysaa ku ababinta facyada soo socda afka hooyo, taas oo ay waayeen facyadii wax ku bartay burburkii dawladdii dhexe.
Goluhu taageeradii iyo taladii uu siinayey wasaaradda waxbarashada iyo barbaarinta waa sii labanlaabayaa, waxa uuna wasaaradda la garab galayaa hiil iyo hoo ilaa manhajka dalka uu dhan afka hooyo lagu beddelo.
Xafiiska warfaafinta ee golaha
info@maskaxshiil.so
Halkaan ka fiirso sawirrada kale:
Leave A Comment