
26da bisha 11-aad, 2021, Golaha Qorayaasha Soomaaliyeed ee Maskaxshiil ayaa ku qabtay kulan doorasho magaalada Muqdisho kaas oo ay ka soo qaybgaleen xubnaha Maskaxshiil, intii joogtay Muqdisho, iyada oo inta magaalada ka maqanna ay qaabka Online ah uga qeybgaleen.
Waxaa doorasho loo galay hoggaanka sare ee Golaha oo kala ah: Guddoomiye, Ku-xigeen iyo Xoghaye.
Waxaa Guddoomiye isu soo sharraxay Rooble Iidle iyo Farxiyo Muxyadiin. Halka Guddoomiye Ku-xigeen isu sharraxeen Xubno laakiin looga tanaasulay Dr. Cabdullaahi Axmed Tahliil. Waxaa Xogahye isu soo taagay Mustaf Warsame Sabriye (Timacadde.) iyo Cabdullaahi Nuur Tahaliil.
Tirintii codadka ka dib, waxaa Guddoomiye u soo baxay Farxiyo Muxyadiin Yuusuf, waxaa sidoo kale Guddoomiye Ku-xigeen noqday Dr. Cabdullaahi Axmed Tahliil, halka Xoghaye uu ku soo baxay Mustaf Warsame Sabriye (Timacadde).
Doorshada waxaa kor-joogto ka ahaa Ururrada Bulshada Rayidka ah oo ay u badnaa Hal-abuurka iyo Qalinlayda Soomaaliyeed.
Doorashada Golaha ayaa si hufnaan ah oo xubnaha oo dhan qancisay u dhacday.
Golaha Maskaxshiil ayaa muddo dheer waxaa hoggaaminayey Suldaan Nayruus oo isagu ka haray doorashada si uu fursad u siiyo xunaha kale ee Golaha si loo helo dhiig cusub oo firfircoon oo horay u sii dhaqaajiya hawlaha Golaha.
Golaha qorayaasha Soomaaliyeed ee Maskaxshiil, waa gole la yagleeyey horraantii 2017 kii, waana Madal ay isku bahaysteen qorayaal Soomaaliyeed oo isugu jira: qoraayaal rugcaddaa ah, kuwa dhexe iyo kuwa cusubba, si ay isaga kaashadaan curinta, qorista iyo baahinta kutubta. Goluhu waa mid u furan qoraa kasta oo Soomaali ah. Ujeeddada ugu muhiimsani, waa iskaashiga qorayaasha, daryeelidda taya qoraalka, faafinta kutubta, kor-u-qaadidda akhriska iyo wacyi gelinta bulshada, si loogu beddelo bulshada Soomaaliyeed bulsho wax akhrisa.
Xafiiska Dhexe ee Maskashiil
info@maskaxshiil.so








Leave A Comment