Waaxda warbaahinta iyo xiriirka dadweynaha ee golaha qorayaasha Soomaliyeed ee Maskaxshiil, ayaa waxa ay soo saartay warsidihii ugu horreeyey oo goluha ku suntan.
Warsidahan oo in muddo ah la qorshaynayey ayaa maanta oo Arbaco ah, 21ka bisha 11 aad ee sannadka 2018 ka, waxaa soo baxay caddadkiisii koowaad.
Warsidahan ayaa waxa uu noqon doonaa wargeys billa ah, oo ka warrami doona arrimaha bulshada, gaar ahaan, waxa uu ka qeyb qaadan doonaa kor u qaadidda wacyiga iyo horumarinta bulshada. Waxa uu kaalin libaax ka qaadan doonaa sare u qaadista akhriska iyo tayeyta afka hooyo iyo qoraalkiisaba.
Wargeyskan waxa uu u furan yahay qoraa kasta oo Soomaaliyeed oo doonaya in uu soo bandhigo aragti suubban oo dadka iyo dalka Soomaaliyeed waxtaraysa, ama cilmibaaris cusub oo anfacaysa bulshadeenna.
Waxaa warsidahan ka reebban afkaaraadka xambaarsan siyaasadda, kuwa dhaqanka iyo diinta ummadda liddiga ku ah, iyo wax kasta oo ummadda dhiiggeeda kicin kara oo bulshada qasi kara.
Madaxda guud ee Maskaxshiil, Suldaan Nayruus ayaa si gaar ah ugu hambalyeeyey waaxda warfidiyeenka iyo xiriirka bulshada ee Maskaxshiil, dadaalka dheeraadka ah ee ay sameeyeen ee ay ku soo saareen wargeyskan, waxa uu sidaas oo kale ugu hambalyeeyey shacabka Soomaaliyeed soo bixista wargeysan, isaga oo ku dhiirrigelinaya in ay la socdaan bil kasta, ayna rukuntaan nuqulladiisa.
Xarunta dhexe ee Maskaxshiil,
www.maskaxshiil.so
Info@maskaxshiil.so
Tell: 0618114575
Leave A Comment