GOLAHA MASKAXSHIIL OO KAALIN MUQ LEH KA QAATAY BANDHIGGA BUUGAGTA MUQDISHO IYO CASHO SHARAF UU SAMEEYEY QORAYAASHII MARTIDA AHAA EE BANDHIGGA KA SOO QEYB GALAY

Golaha qorayaasha Maskaxshiil ayaa qeyb libaax leh ka qaatay bandhiggii buugagta  Muqdisho ee bishaan Agoosto la qabtay. Qorayaasha ku midaysan golahan ayaa buugtii ay qoreen sannadkan halkaas ku soo bandhigay.

Golaha ayaa soo bandhigay buug kala duwan, oo ka hadlaysay mawduucyo kala duwan, waxa aana u badnaa buug ka hadlaysay taariikhda, suugaanta, sheekooyinka, dhiirrigelinta iyo siyaasadda.

Goobta bandhigga laga siiyey golaha ayaa waxa ay ahayd goobta ugu mashquulka badnayd, halkaas oo dad badan oo buug iibsanayey ay soo buux dhaafiyeen. Intii badnayd buugtii halkaas ay goluhu geeyeen ayaa maalmihii koobaad ba dhammaatay.


Intii uu socday bandhiggu ayaa golaha waxa uu qabanqaabiyey casho sharaf uu u samaynayey dhammaan martidii qorayaasha ahayd ee bandhiggaas lagu casuumay. Casho sharaftaas ayaa ujeeddadeedu ahayd in ay qorayaashu isku bartaan, talo iyo feker na wadaagaan.

Golaha ayaa aad looga mahadiyey shaqadii uu ka qabtay bandhigga iyo soo dhaweynta iyo marxabbaysiinta qorayaasha Soomaaliyeed.

Goluhu waxa uu mar walba ku dadaalaa soosaarista qorayaal tayo leh, daabacaadda buug qiime leh, kor u qaadista akhriska bulshada iyo isku xirka qorayaasha Soomaaliyeed.

Xafiiska dhexe ee golaha Maskaxshiil,
Email: info@maskaxshiil.so
Tell: 0619171795

2018-08-24T17:31:45+00:00 August 24th, 2018|Maxaa Cusub|0 Comments

Leave A Comment