FAALLADA BUUGGA “XULO MAGACA ILMAHAAGA”

Akhrisku waxa uu aas’aas u yahay kasbashada iyo korodhsiga aqoonta, waana kobcinta kasmada iyo garaadka aadamaha. Qalinkuna waa shay bannaanka soo dhiga waayo, aqoon iyo aragtiyo ku legdamaya maanka qofka. Waxa lagu reebaa summad, sooyaal iyo suugaan. Sida uu yidhi gabyagii reer galbeed ee Horance: “Qalinku waa carrabka maanka”.

Xulo Magaca Ilmahaada waa dhigane oo uu qoraaga kuugu soo uruuriyay 100 magacyo gabdheed iyo 100 magacyo wiileed, oo ah magacyada Soomaalidu la baxdo. Waxa uuna u sahlaya qoysaska Soomaaliyeed in ay ubadkooda ula baxaan magac wanaagsan oo ay afkana ku taageerayaan ilmahoodana astaan qurxoon u ah.

Magacu waa eray lagu doortay afkii lagu hadlayay balse astaan ahaan looga dhigtay walax gaar ah si loo muujiyo dhaqankeeda, baxaalligeeda, dhibkeeda ama dheefteeda. Magaclabixiddu waxay laxiriirta arrimo waligoodba joogta ahaa sida quruxda, ladnaanta, fayada, jacaylka, sama-falka, geesinnimada, murtida, iyo aftahannimada.

Magaca sida noolaha ayuu leeyahay meerto ka kooban dhalsho, qaangaar, gabow iyo dhimasho. Sidaa darteed, magacyada qaar baa jiritaankoodu raagaa, kuwo xilliyo gaaban uun baa lala baxaa oo haddane way gedmadaan.

Magacu afkii uu doonaba ha ahaadee, waa in laga hubiyaa saddexda dacal ee kala ah: ujeeddada, dhawaaqa, iyo haybta. Haddii ay saddexdaas xaglood noqdaan kuwo san, waa lagu dhiirrada labixiddiisa. Haddii kalese, ma gudboona inaad ilmaha ugu wanqasho wax aadan hubin ama aadan hidde u lahayn. Magacii aan kugu hidde hayb ahayn, oo aan ujeedkiisa la aqoon waxa dhici karta in goor uu hirgalay lagu baraarugo in uu micnahiisi xumaa.

Tusaale, magacyada shiisheeye ee waayadan lala baxo waxa ku jiro (Namlo) oo afcarabiga ku ah quraanjo, (Ramla) oo ah carro, iyo (Maa’ida) oo iyaduna ah xeero.

Magaclabixiddii bulshada Soomaaliyeed waxa uu ku salaynaa jirtay hiddaha iyo dhaqanka, iyo xiriirka u dhaxeeyay bulshada iyo wixii uu magacaasi ugu tagnaa. Maadaama bulshadii ay ka tageen hiddihii iyo dhaqankiiba waxay horseeday in bulshadii Soomaaliyeed ay ka dhimato caadooykii wanaagsanaa oo ay aminsanaayeen, waxa aynna sababtay in magacyadii wanaagsana ay sidaa ku ambadaan.

Tusaale haddii aan ka soo qaadanno magacyada uu qoraagu dhiganaha ku xusay waxaa ka mid ah:

  1. Ugbaad: waxaa ugbaad la yiraa kolka ay dhirtu roobsato oo ay caleentii iyo fiiddu soo baxayaan. Ugbaadku wuxuu astaan u yahay dhereg iyo barwaaqo curanaysa. Haddaba, magacani wuxuu gabadha la xiriirinayaa berya-samo, taran, koror, sammaan iyo filasho milgo leh. Dulucda guud ee Ugbaad waa duco, ammaan iyo guubaabo.
  2. Horyaal: horyaal waa eray la macne ah hormuud, horqaad, hoggaamiye iwm. Waa magac wiilka ku sheegaya qof hibo gaar ah iyo tayaba faciis dheer. Sidoo kale ayuu magacani wiilka u saadinayaa garasho badan, dhalan qurxan, hodonti, fayoobi, aftahannimo, iyo astaan kasta oo ay awoodi ku jirto. Dulucda guud ee Horyaal waa ammaan, duco iyo guubaabo.

ERAYGA QALIN-MAALKII AKHRIYA BUUGGAAN

Magacu waa baadisooca uu qofku leeyahay ee ka duwan magacyada kale. Haddaba astaanta aad u dooreyso ilmahaagu waa in ay ahaataa mid fiican oo saadaal fiican iyo odoros la jeclaysto sidda. Magacyada Af-soomaaliguna waa kuwa aad ujeeddadooda iyo odoros koodaba taqaan. Haddaba waxaan kugula talinaynaa u door ubadkaaga magac wanaagsan oo aad afkana ku taageereysid ilmahaagana astaan qurxoon u ah.
-Yuusuf X. Cabdullahi Xasan

Waxaan buuggaan u arkaa mid ay baahi weyn u qabto bulshada Soomaaliyeed. Wuxuu udub-dhexaad u noqon doonaa dib u soo nooleynta magacyadii hiddaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed.
-Najaax Aadan Faarax

Soomaalidu maanta waa bulsho aanay afkeedu iyo magaceedu is lahayn. Cali Suudi Nageeye waa aqoon-yahan da’ yar wuxuu qalinka u qaatay in uu nagu soo duwo daw aan beri hore ka ambannay. Buuggiisa “Xulo Magaca Ilmahaada” wuxuu nagula wadaagayaa magacyo ah miiddii ereyada wanqalka. Waa buug waxtaraya waalid kasta, kaalin mug lehna u gelaya waarinta Af-soomaaliga.
-Calikheyr Muxumed Nuur

EREYGA QORAAGA BUUGGA

Haddii aad iskula hanweyn tahay Soomaali ahaantaada. Haddii aad ilmahaaga la rabto magac wanaagsan oo afkaaga hooyo ah; buuggaan ayaan kuugu dhigay magacyadii Soomaaliyeed qaar. Waa laba boqol oo intooda badan maanta aad loola baxo. Waana magacyo aan ku xulannay quruxda iyo macne-wanaagsan.

Waa buuggii aan kuugu talo galay ee ka dooro magacii kuula quruxan. Ilmahaadana Eebbe hakaga dhigo fir yeesho tilmaamaha magacaas aad la jeclaatay.

Buugga: Xulo Magaca Ilmahaada      
Qoraaga: Cali Suudi Nageeye  
Bogga: 110 
S/G: Cabdullahi Axmed Tahliil Buubaal

2018-09-02T17:01:10+00:00 September 2nd, 2018|Maqaallo|0 Comments

Leave A Comment