Dal walba oo dunida ka mid ah, waxa uu leeyahay muhiimmad gooni ah oo isaga khaas ku ah, waxaa kale oo uu leeyahay wax uu kaga sarreeyo waddamada kale; ha noqoto bad ama barri, sidaa darteed, waxaan leennahay dalka dunida ugu cajiibsan, marka aan cajiibsan ku leeyahay iga ma ahan ammaan ee waa xaqiiqo, bal ila fiiri maqaalkan aad ciwankiisa kor ku soo aragtay, waxna ka ogow muhiimmada uu adduunka u leeyahay dalkeennu.
In aad wax ka ogaato xog jirta ama dhacdo dhacday, waxa aad u baahantahay inaad hesho qoraal caddaynaya waxa aad u bahantahay, iyada oo ay taasi jirto ayaan waxaan rabaa in aan si kooban oga hadlo ahmiyadda xeebaheennu ay leeyihiin iyo loollanka loogu jiro. Hadaba su’aasha meesha taalla ayaa ah, muxuu ku qotomaa loollankan loogu jiro xeebaha Soomaaliya, marka laga soo tago xeebaha Afrika? Waxaan dhihi karnaa waa ahmiyadda ay leeyihiin oo ah meesha Istiraatijiga ah ee ay dhacaan Dakadaheennu.
Xeebata Soomaaliya waxaa lagu qiyaasaa 3333kms halka xeebaha Imaaradka lagu qiyaaso 500kms oo keliya, xeebaheennu waa marinka adduunka isugu yimaado Suez, Bada, Cas, Gacanka Cadan, Badda Carabta, faarisiga.
Marka la is barbar dhigo badeenna iyo xeebaha imaaraadka, tusaale ahaan markabka ka yimaada Yurub Suez soo mara, Suez ilaa Caluula waxa lagu qiyasaa 1600Nautical miles iyo 6 maalmood halka Halka Suez ilaa dakada Dubai uu yahay 3051 Nautical miles iyo 13 maalmood. Marka ma kula tahay fogaanshiiyaha intaa la eg in uu mari lahaa haddii la dhisi lahaa dakadaheenna sida: Caluula, xaafuun, ama Raas casayr. Haddii dakad weyn laga hirgalin lahaa waxaa hubaal ah in ay xirmi lahayd Dubai oo ah meesha dunidu xoolaheeda ku aammintay.
Maraakiibta ka timaadda China, Hindia, Singapore, cape Town, Yurub Ama Suez baa waxay dhammaantood isugu imaan la haayeen Raas casayr oo wax badan run ahaantii oga dhaw ogana fudud Qallooca Dakadda Dubai isla markaasina oga kharasha yar, waxaynnuna oganahay, waxa lagu xisaabtamaa adduunka maanta waa shidaalka markabka ama doontu cunayso.
Soomaaliya waa waddanka Afrika ugu xeebta dheer marka laga reebo Konfur Afrika, sidaa darted ayuu ahmidda ugu fadhiyaa dunida oo dhan, waxaana hubaal ah haddii loo helo fikir dheer iyo aragti midaysan oo maskax Soomaaliyeed ka soo baxday, in dadka Soomaaliyeed dhammaantood ay ku filaan lahaayeen labo Dakadood oo keliya oo si fiican loo dhisay, khayraadkii kale ee dalku lahaa inta aan la gaarin .
Waxaa si aan dhuumasho lahayn dakadaheenna looga maaro la’yahay dawlado badan oo caalamka ah, waxaase ka xusi karaa saddex, oo labo daris inala yihiin midna Carabta ka mid tahay. Waxaa ayna kala yihiin: 1. Emirates (UAE) 2. Ethiopia 3. Kenya. Aan mid mid u dul istaagno .
- Imaaraad ka Carabta (UAE) waxaa waayadan danbe dhagihiinna ku soo laa laabata dakad hebla waxaa lagu wareejiyey Imaaraadka sida BARBARA IYO BOOSAASO iyo waliba kuwo kale oo lagu xanto. Waa maxay sabata ka danbaysa boobka aan meel loogu soo gabbado lahayn ee Imaaaraadka carabtu ku doonayso dakadaheenna, waxaa laga yaabaa in ay maskaxdaada ku soo dhacdo faa’iido ayaa inoogu jirta oo si casri ah ayuu u dhisayaa Dakadaheenna, haddaba arrintu wey ka weyntahay taas, adduunka mantana waxaa ka jira loollan adag oo loogu jiro dalaka dhulkoodu Cariinyahay (Bikro) ee aan waxba laga soo saarin badiisa iyo waliba barigiisaba. Aan u soo dago ujeedka rasmiga ah ee DPWorld qorshaha ugu muhiimsan ee ay ka leedahay dakadaha Soomaaliya waa in la curyaamiyo oo dunida laga indho-tiro sida ku cad heshiiska BARBAR 30sano oo lagu daray 10 sano oo dheeri ah marka waa mudo 40 sano ah saamiyada lakala sexeedana sida ayey u qornayeen DPWorld 65 % mamulka SL 35%, inkastoo mardabe ay soo baxday 19% la siiyey Ethopia marka wax uu Imaaraad ku talo galay in mudadaas aan wax la taaban karo laga qaban macaashka ugu badana uu isagu qaato.
- Ethiopia, Sidaan oganahay wadanka aan darika nahay ee Ethiopia ma lahan wax dakada ah. Haddaba waxaan rabaa inaan wax yar ka idiinka iftiimiyo doorka iyo halganka ay ugu jirto dakadaha Soomaaliya, waxaan gadaal ka maqalnay marka uu hesiiska BARBARA uu dhacay waxaa Ethopia la siiyey saami dhan 19%, haddaba garanay DPWorld iyo SL, waxaa is-weydiinta mudan halka ay ka soo gashay Ethopia, halkii canshuurta dakadda lagu badin lahaa ileen sidaan oganahay waa marinka ugu badan ee ay wax ka la soo dagto waa Barabara e.
Haddaba marka aad fiiriso sida wax u socdo waxaad soo xasuusanaysaa HINDISIHII MELES ZENAWI ee ka koobnaa 5ta qodo oo mid ka mid ah uu ahaa in ay Ethiopia yeelato labo dakadood oo Soomaaliya gudaheeda ku yaala waxa uuna u qornaa sidan:
- Labo dekadood oo xabshidu sharciyan u leedahay oo ay maamulato in laga siiyo Badda-cas iyo Badweynta hindiya
Arrintaa Run ahaantii Meles oo dhintay ayey muuqanaysaa oo lanagu haysataa dakadihii Soomaliya sida “Barbara & Boosaaso”oo gacanta xabashida ku sii socda hadaan lagu baraarugin waana halka ay ka duulayso mustaqbalka dhaw iyo midka dheerba Ethoia.
- KENYA : waa waddanka keliya ee ay inagala dhaxayso muran dhinaca badda ah oo waliba dacwad ka socoto, waana waddanka marka loo fiiriyo labada dal ee aan kor ku soo xusay ka saamaynta yar marka loo fiiriyo dhinaca Cadawtinimada ay inoo qabaan, in kasta oo Kenya lafteedu ay gacanta si dadban ugu hayso dakada Kismaayo oo dhaqale badan ay ku qabto, haddana samayn xooggan kuma lahan marka la fiiriyo arrimahan
Waxaa la rumaysanyahay in meesha lagu muransayahay uu ku jiro kayd shidaal, waxayna dood ugu badan ka taagan tahay in uu heshii u dhexeeyey labada dawladdood taas oo aan wali la xaqiijin, waxayna wasaaradda arrimaha dibadda Kenya ay sheegatay, in haddii dacwadda badda ay Soomaaliya ku guulaysato ay Kenya bad la’aan ku dhici doonto.
Gabab gabadii, waxaan maqaalkan kooban ee aan ugu magac-daray DUulLANKII DAKADAHA SOOMAALIYA, ku soo afmerayaa, talooyin ku socda dhammaan dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan inta caqliga iyo garashada u saxiibka ah, waxa aan leeyahay fadhiga ka kaca oo ka tigtoonaada shirqoollada loo dagayo dalka aad adduunka ku leedihiin
Waxaa kale oo aan u sheeyagaa dadka Soomaaliyeed in ay shirqoolladan ay kaga guulaysan karaan oo kaliya midnimo iyo wadajir iyo madax hami iyo hiigsi dheer oo dalka iyo dadkaba u diirnaxaysa, waxaa hubaal ah in haddii la helo arrimahaa aan kor ku soo xusay, in laga guulaysan doono cadaawaha ummadda Soomaaliyeed.
W/Q: Xaashi Nuur Cabdiqaadir
Leave A Comment