DHALLINYARADA IYO DASTUURKA

Waxaa lagu qiyaasaa Soomaaliya Dadka ka yar Da,da 30-ka iney yihiin 70%, halka 11% ey yihiin caruur. Dhallinyarada ka yar 30-ka waa aqlabiyada Dadka Soomaalida. Sidoo kale waxay laf-dhabar u ahaayeen Dowladnnimada iyo halgankii Soomaalida. Dhammaan Siyaasiyiinta ugu caansan marxaladii 1956-dii 1959-kii waa dhallinyaro ka yar afarantanka.

Waxaa lagu qiyaasaa 65%-kiiba in ey yihiin kuwa aan heesan shaqo. Halka Gabdhaha Soomaalida ey yihiin kuwa la kulmo dhibaatooyin badan, sida wax-barasho la,aan, iyo xad-gudub jinsi.

Siyaasadeenta xukunka iyo Dulmiga Dastuurka ee dhallinyarada

In kastoo dhallinta tahay kuwa ugu badan Dalka 70%, hadan kuwa ugu badan oo dhibaatada saameesay ey yihiin hadana Dastuurada Dalka iyo shuruucda Dalka waxay hor istaageen awoodooda iyo Aqoontooda. Dhammaan Dastuurada iyo shuruucda kale waxay xilalka waawayn Gudoomiyaasha Maxkamadaha, Wasiirada, Madaxwaynayasha imw waxay ku xireen Da,da 40-ka. ! bal is waydii 70% Dadka ma qaban karaan xil muhiim ah !. hadaba waa maxay sababta?.

Jawaabta, waa mid ku xiran arrimo Siyaasadeesan oo taariikhi ah, wadanka Soomaaliya ma laheen Xisbiya Siyaasadeed oo leh ajandayaal  siyaasadeed. sannadii 1956-dii Doorashooyinkii dhacay iyo kuwii 1959-kii waxaa Aqlabiyada Baarlamaanka qabsaday Xisbiga “ SYl” oo ahaa xisbi lagu eedeeyo musq-maasuq badan, waxayna go,aansadeen sidii uu Madaxwayne u noqon lahaa  musharaxooda, raggii la tartami lahaana looga reebi lahaa. Dastuurkii 1960-kii waxaa lagu qorey Q. 71-aad in madaxwaynaha Da,diisa noqota 45sanno. Taariikhyahano badan waxay aaminsanyihiin in arrintaas loogu tala-galay in la gu reebo  rag uu kamid yahay, Cabdullaahi Ciise oo kamid ahaa raggii Dowladnnimada dhisay ,34 jirna ahaa markas, raiisul wasaarihii Maxamad Ibraahim Cigaal oo 32 jir ahaa iyo siyaasiyiin caan ahaa sida Cali jimcaale. Af-ganbigii 1969-kii waxuu laallay Dastuurkii Dimuqoraadiga ahaa, waxuuna Dalka ku xukumayey wareegto ilaa laga soo saaro Dastuurkii 1970-kii,kaas oo isna Da,dii xilalka muhiimka ahaa u qaatay 40-sanno sida ku xusan Q-aad 81 .

Dastuurka Faderalka 2012-kii iyo isburintiisa

Dastuurka  Faderalka ah waxuu soo raray 40-kii uu qorey Dastuurkii 1970-kii fiiri Q.88aad, faqrada B, halka uu wasiirka uu ushardiyey in uu jiro 30 sanno fiiri Q.98aad faqrada A, lkn waxaa yaab leh Dastuurka in uu u shardiyey Da,da Xildhibaanka in ey tahay 25 sanno. Fiiri Q.58aad faqrada B. intaasi waxaa dheer in Q. 98aad faqradii 3aad Xarafka A, uu qoraayo in Xildhibaanka uu wasiir noqon karo, waxana isla Q.98aad ku sheegay in Wasiirka uusan ka yaraan soddon sanno. Hadaba ma waxaa jiro Xildhibaanno aan Wasiiro noqon Karin iyo kuwa wasiiro noqon kara?!.  Maxaa keenay in Dal 70% dhallinyara ah ey 80% xildhibaanada duqey noqdaan?. Maxaa Da,a yarka Aqoonyahanka ah loogu diiday in uu Wasiir noqdo?. Waxaa arrintaa kasii daran Dastuurada Dowlad-gobaleedyada oo raacay Dastuurka Faderalka ah !!! miyeysan dhalinyarada hoggaamin Karin Gobalada?!!!!!

Waxaan ugu baaqaa in Ururada dhallinyarada ey culeyska saaraan in Dib u eegista looga Da,da Siyaasadeesan een ku dhisneen Aqoonta, tira-koobka iyo Dalka xaaladiisa.

Garyaqaan Cali Sh. Adam yusuf “ Cali Somali”

Calisomali400@gmail.com

2018-12-06T17:20:22+00:00 December 6th, 2018|Maqaallo|0 Comments

Leave A Comment