Gabaryaheey ama wiilyahoow qalbiga laga dhaawacay ama waqtigu uu ku cuslaaday ee qofkuu jeclaa waayey ee niyad-jabsan waxaan ku leeyahay “ha niyad-jabin, maadaama maamulkaaga uu Alle gacanta ugu jiro qof ibni-Aadam ahna waxba uusan kuu tari karin waxbanna uusan kuu dhimi karin ee marka hore isku day in imtixaanka adduunka aad ku baasto oo dhibaatadii ku soo gaartay aad ku samirto marka xigana aad Alle ka barido in uu arrinkaaga hagaajiyo oo uu qalbigaaga kuu dejiyo wixii kheyr adduun iyo aakhiraba kuu ahna uu kuu soo dedejiyo isagaa deeqsi ah e.” Waa caqiido in aad dhab u rumeyso lagaaga baahan yahay hadalkaas aan ku iri, haddii Mu’min/Mu’minah Alle si dhab ah u aaminsan aad tahay. Haddii qalbigaaga aad kadareento adduunyadii oo dhammi ay macno beeshay ama waxwalba ay dhammaad u ekaadeen, hadalkii aan ku soo iri qaado isagaa dib farxaddaadii kuugu soo celin karo. Hadalkaasi waa xaqiiq jirta, balse in aad rumeyso waxeey ku xeran tahay in aad nasiib leedahay oo uu Eebbe weyne kor ahaayee kugu galladeysto hidaayo ama hanuun, kaasoo kaba sii muhiimsan jaceylkaan aad la walaacsan tahay.
Haddii qalbigaagu uu kuu sheego in aadan heleynin qof gaari kara qofka aad jeceshahay waa sida uu qalbigaagu kuu sheegayee, haka aaminin ee ugu jawaab “ma adaa makhluuqqa Alle, gaar ahaan Ibni-aadamka nooloo dhan soo wada aragtay oo ka wada war heyso, mise waxaad soo daalacatay lowxul maxfuudka oo soo xaqiijisay in aadan heli doonin qof isaga/iyada gaarto, waxaa ba laga yaabaa in aad hesho qof ka sii fiican e”Ummunaa Safiyah markii ay kala tageen ee uu furay ninkii ay aadka u jecleyd ee Zeyd Bin Xaaritha (رضي الله عنهما), Nebiga (صلی الله عليهوسلم) ayaa ku yiri “waxaa laga yaabaa in aad hesho nin ka kheyr badan ee niyaddaada kheyr u sheeg” waxeyna ugu jawaabtay “nin isaga ka fiican maba jiro”,balse markii ay cuddada u dhamaatay waxaa soo doonay Nebi Muxammad (صلی الله عليه وسلم) oo ugu fiican inta Alle uumay oo dhan.
Sidoo kale hadda ka hor ayaa waxaa jiri jiray nin aanan ilko qabin oo naagtiisa hilibka inteey u ruugto ay afka u gelin jirtay. Naagtii ayaa ka dhimatay wuxuuna ku ooyay tiraabtan “hilib dambe meeshaan ayaa iigu dambeyso oo qof ii ruugto ma helayo,” balse muddo kaddib naag kale oo uu guursaday ayaa inteey u tunto hilibka isagoo dhanaankiisa leh daqiiqna ah cantuuf iyo dhareer dadoowna aanan laheyn oo af kale aanan la soo gelin siin jirtay. Haddaba sidaas darteed looma baahno in aad u qaadato in dunidii oo dhanba ay dhammaad tahay ama ayba micno laheyn isuna niyad iyo rajo xumeyso shakhsi ku nacay ama kugu xumaaday ama uu waqtigu idin kala geeyey, adigoo illoowsan Alle subxaanahuu wa tacaalaa oo addunka dhan uumay islamarkaasna maamula in uusan kaa tegin kuna xifdinayo kuna wanaajinayo intaad rumeysantahay xarigiisana aad ku dheggen tahay oo aad salaadda toosineyso waqtigeeda, shuruudaheeda, arkaanteeda iyo hay’aatkeeda. Ha is niyad xumeynin ee Alle ka bari in uu niyaddaada ka saaro qofkaas, qof ka kheyr badan kana jaceyl macaanne uu kuugu beddelo.
Haddii ruuxa aad jeceshahay uusan kugu xumaanin, balse waqtiga iyo waayuhu idin kala geeyeen oo ay tahay gabar nin kale xoog loogu daray ama ruux dhumay oo intuu tahriibay meel uu ku dambeeyey la ogaan waayey oo warkiisa wacaalkiisa ba la waayey ama ruux geeryooday, Alle ka bari, in sidii uu shalay qofkaas wanaagsan kuugu sahlay qalbigaagana u geliyey uu qalbigaaga uga tirtiro qof ka sii kheyr badanne uu kuu sahlo. Ha qariibsan ama yeysan kula adkaan in Alle uu sidaas sameeyo, waayo Alle waxba ma dhibaan, waxaana Alle ka heleysaa wixii aad ka filato, waayo Alle wuxuu xadiithul qudsi ku leeyahay “anigu waxaan ahay waxa uu adoonkeygu iga maleysto/rajeeyo.”
Qofka si doonto oo aad u jeceshahay, hadduu yahay qof aan ku ixtiraameynin, xuquuqdaadana ku tumanayo, waxba kuguma tarayo ee isku day in aad nacdo. Alle ka bari in qofkaas dulmiga kugu wada siduu shalay qalbigaaga u jecleysiiyey uu maantana u nacsiiyo, maadaama uu Alle qalbigaaga xukumo, Haddii qof xumaan kugu waday oo aad ka quusatay in uu xumaanta kaa daayo oo ka dalbashada in uu dulmiga iyo ku tagrifalka awoodda jaceyl uu kaa daayo aad sidaas ku kala tagteen oo dulmiga uu kugu hayo uu yahay dulmi aanan loo dulqaadan karin oo natiijadiisu ay u qaraar tahay (dalbasho zino), walaasheydiyeey waxba ha u jaxanjexin ee Alle dartiis xiriirkiisa u jar Alle ayaa beddel isaga ka kheyr badan ku siin doono e. Nabiga SCW wuxuu yiri: “qofkii sheey Alle dartiis uga tago Alle sheygaas wuxuu ugu beddelaa shey ka kheyr badan”.
Waxaa qoray: Qoraa Abuukar Caddow Cali,
Leave A Comment