BANDHIGYADA GAROOWE IYO HARGEYSA IYO GOLAHA QORAAYASHA SOOMAALIYEED

Bishan July 16 – 19 iyo 21 – 25, 2018, waxaa ka kala bilawday magaalooyinka Garoowe iyo Hargeysa bandhig buugeedyo ay ka qeyb galeen qoraayaasha Soomeeliyeed meel walba oo ay joogaan, iyada oo halkaas la keenay buug kala duwan oo ummadda Soomaaliyeed anfac u leh.

Bandhigyadaas waxaa lagu casuumay golaha qoraayaasha Soomaaliyeed ee Maskaxshiil, waxaana magaalooyinkaas kala tagay xubno muhiim ah oo tirsan golaha.

Xubnaha golaha qoraayaasha Soomaaliyeed ee Maskaxshiil ayaa halkaas geeyey buug kala duwan oo uu golahaasi soo saaray sannadkan, waxa ayna buugtaasi heshay iibsadayaal dhammaystey wixii buug halkaas la geeyey.

Xubnahaasi kala duwan ayaa sidaas oo kale qudbado kala jaad ah ka soo jeediyey bandhigyadaasi, taas oo aad loogu riyaaqay waaya-aragnimada ay la wadaagayeen ka soo qeybgaleyaasha halkaasi yimid.

Golaha qoraayaasha ayaa halkaas ka sameeyey cilmibaaris ku saabsan akhriska dadka deggan deegaannadaasi, iyaga oo sidaas oo kale qeybiyey waraaqo ay ku qornaayeen faa’iidada akhriska iyo sida uu uga qeybqaato kobaca maskaxda iyo halabuurka.

Bandhigyadasi ayaa ku soo gebagaboobay jawi farxadeed oo ay aad ugu riyaaqeen dhammaan ka soo qeybgaleyaashii iyo qoraashaba.

Hoos ka eeg qeybo ka mid ah sawirrada bandhigyada:







Xafiiska dhexe ee golaha Maskaxshiil
info@maskaxshiil.so

2018-07-24T16:56:37+00:00 July 24th, 2018|Maxaa Cusub|0 Comments

Leave A Comment