Bandhig uu soo qabanqaabiyey Ururka Kulmis oo uu ugu magacdaray bandhigg hibooyink dhallinyada Soomaaliyeed ayaa waxa ay ku qabteen magaalada Muqdisho intii u dhaxaysay 6-7 bishan Feeberwer ee sannadkan 2019ka.
Bandhiggan ayaa waxaa ka qeybgalay madax ka socotay dawladda, madaxda ururrada bulshada rayidka ah, kuwa hal-abuurka, naadiyada qalinmaalka iyo dhallinyaro la timid bandhigga hal-abuurro iyo ikhtiraacyo cusub.
Waxaa halkaasi lagu soo bandhigya hal-abuurro cusub oo ay soo saareen dhallinyarada Soomaaliyeed oo runtii la`aa meel ay ku soo bandhigaan waxa ay fekerkooda ka soo maaleen.
Golaha qoreyaasha Maskaxshiil ayaa ka mid ahaa dhaqdhaqaaqyadii halkaasi ka qeybgalay, waxa uuna goluhu halkaasi geeyey buug badan oo ka mid ahaa kuwii sannadkan soo baxay.
Bandhiggaan oo ahaa midkii ugu horreeyey oo noociisa ah ayaa waxaa mahadiyey bulshada Soomaaliyeed, iyada oo dadkii ka soo qeybgalay ay muujinayeen farxad iyo reyrreyn. Dhallinyaradii hibooyinka soo bandhigay ayaa sidaas oo kale farxad maalmahaasi ay u ahayd maadaama ay heleen meel ay bulshada kula wadaagaan waxsoosaarkoodii.
Waxa uu ku soo dhammaaday bandhiggaasi jawi heer sare ah.
Xafiiska dhexe ee golaha Maskaxshiil,
info@maskaxshiil.so
www.maskaxshiil.so
0619171795
Hoos ka fiirso qaar ka mid ah sawirrada bandhigga:
Leave A Comment