Buugga Qaado Furaha Farxadda ayaa 24-ka bisha 11-aad ee 2017-ka lagu soo bandhigey hoolka Colow Tawer ee magaalada Muqdisho.
Waxaa buugga soo bandhigayey qoraha buugga Najax Aadan Faarax, waxaana bandhiggaasi taabba-gelisey haayadda New Horizon.
Bandhiggu waxa uu qabsoomay saacaddu kolka ay ahayd 3:30 oo galabnimo, waxaana ka soo qeyb-galay bandhiggaas qeybaha kala duwan ee bulshada, gaar ahaan inta aqoonta iyo buugta xiiseysa.
Qoraaga Najax ayaa kolkii cod-baahiyaha lagu wareejiyey, waxa ay aad uga faallaysay buuggeeda iyo sababihii ku dhaliyey iyo caqabadihii ay kala soo kulantay iyo weliba waxa ay ka faa’iidi karaan akhriteyaasha.
Kolkii ay faaf-faahinta buugga dhammaysay ayaa ka soo qeyb-geleyaashii waxa ay ka weydiiyeen su’aalo badan buugga. Dhammaan su’lihii ayey Najax si wanaagsan oo ay ka wada maqsuudeen uga jawaabtay.
Markii qudbaddii iyo su’aalihii ay dhammaadeen ayaa dadkii waxaa loo fasaxay in ay buugta iibsadaan. Inta badan dadkii ka soo qeyb-galay munaasabaddaas waxa ay wada iibsadeen buugga.
Qoraaga ayaa markaas guda galay in ay u saxiixdo intii iibsatay buuggaas.
Xafladda badhigga buugga ayaa waxa ay ku soo geba-gebawday jawi heer sare ah oo ay ka wada maqsuudeen dhammaan ka soo qeyb-geleyaasha, qoraha iyo weliba haayaddii soo agaasintay.
Daawo qeybo ka mid ah sawirrada Bandhigga.
Xafiiska dhexe ee naadiga Maskaxshiil
Abuubakar Axmed Caddow
Muqdisho – Soomaaliya
info@maskaxshiil.so
Leave A Comment