Bandhigga Buugga Khaliijka iyo Qorshaha Dahsoon ee Soomaaliya

Buugga loogu wanqalay ‘Khaliijka iyo Qorshaha Dahsoon ee Soomaaliya’, ayaa 14-kii bishii 12-aad ee sannadka 2017-ka, waxaa daahfur loogu sameeyey haalka jaamacadda SIU ee magaalada Muqdisho.

Bandhiggaan oo in muddo ah la sugayey ayaa waxaa ka soo qeybgalay in ka badan 300 oo qof, oo isugu jiray bulshada qeybaheeda kala duwan.

Isla markii haalka la soo buuxiyeyba, waxaa furmay xafladdii. Markii Aayado Quraan iyo wacdi iyo wanaagsheeg laga yimid, ayaa waxaa la isku banneeyey qoraha iyo ka-faallaynta buuggiisa.

Qoraha buugga Daljir Cabdullaahi Nuur ayaa waxa uu si fiican uga faalleeyey sababta ku kalliftay qoriska buugga iyo sababta xilligaan ku soo beegtay maaddaama ay waayadan soconaysay dabaylo siyaasadeed oo ka dhan ahaa xukuumadda haatan jirta oo dhanka Khaliijka ka soo babbanaysay. Waxa uu sidaas oo kale qoruhu aad uga faallooday ilaha xogaha buuggiisa iyo wakhtigii dheeraa ee uu geliyey iyo sida uu ugu wanaagsan yahay in ay akhriyaan Soomaalida, gaar ahaan dhallinyarada wax barata, aqoonyahanka iyo siyaasiyiinta hadda ku hawllan siyaasadda.

Kolka uu qoruhu sheekadaasi dheer dhammeeyey kaddib ayaa waxaa qudbado la siiyey akhyaar iyo aqoonyahanno kala duwan, oo dhammaantoodba soo dhaweynayey qoraaga iyo buuggiisa cusub, iyaga oo dhanna u hambalyeynayey, dhanna ummadda Soomaaliyeed iyo intii markaas xaaddirka ahaydba u soo jeedinayey faa’iidada ay leedahay cilmibaarista iyo dheefta uu akhrisku leeyahay.

Markii ay qudbadihii dhammaadeen ayaa su’aalo kala duwan laga weydiiyey qoraha buugga uu soo bandhigay, halkaas oo uu si waafi ah uga wada jawaabay dhammaan weydiimihii ka-soo-qeybgaleyaasha.

Markaas kaddib ayaa ka-soo-qeybgaleyaashii loo fasaxay in ay buugta iibsadaan, halkaas oo hamuuntii loo qabay mawduuca uu buuggu xambaarsan yahay darteed, isla markiiba buuggii la boobay, isla markaasina qorihii la dul-dhoobtay si uu ugu saxiixo buugga.

Xafladdaas oo ay bahda Maskaxshiil si qurux badan u soo agaasintay, ayaa waxa ay ku soo gabagabowday jawi laga maqsuuday oo heer sare ah.

Saawo sawirrada kale ee bandhigga




Xafiiska dhexe ee Maskaxshiil
info@maskaxshiil.so

 

2018-01-11T16:37:44+00:00 January 11th, 2018|Maxaa Cusub|0 Comments

Leave A Comment