BANDHIG-BUUGEEDKA KISMAAYO IYO MAKTABADDA WAREEGTA EE MASKAXSHIIL

7da bisha 7aad ee sannadka 2019ka, waxaa lagu qabtay magaalada Kismaayo, bandhig-buugeedka sannad laha ah ee magaaladaasi lagu qabto. Qoreyaal, abwaanno, farshaxyahanno iyo aqoonyahanno kale oo farabadan oo gobollada Soomaaliya iyo dunida kale ka kala yimid ayaa halkaas lagu casuumay.

Maktabadda Wareegta ee Maskaxshiil iyo qoreyaal badan ee ka socday Golaha Qoreyaasha Soomaaliyeed ee Maskaxshiil ayaa ka qeybgalay bandhiggaas, iyaga oo halkaasi geeyey buugaag cusub oo kala duwan oo badankood ahaa kuwii sannadkan la soo saaray.

Akhristeyaasha Kismaayo oo muddo dheer sugayey Maktabaddaas ayaa maalintii koowaad ee bandiggaba aad uga faa`iidaystay oo buugtii halkaas la geeyey si fiican u iibsaday. Waxaana la rajeynayaa labada beri ee kalana in ay inta hartay dhammaysan doonaan.

Sidaas oo kale, Qoreyaasha Golaha ayaa halkaas wacdaro ka muujiyey oo soo jeediyey qudbooyin kala duwan oo ka soo qeybgaleyaasha wax badan u ifiyey.

Qoreyaasha Maskaxshiil, ayaa waxa ay u taagan yihiin soosaarista qoreyaal tayo leh, bug angfac leh, iyo kobcinta afka iyo dhaqanka Soomaaliyeed.

MADASHADA BANDHIGGA KISMAAYO,
Golaha Maskaxshiil
info@maskaxshiil.so
www.maskaxshiil.so 
0619171795

Qeybo ka mid ah masawirrada Bandhigga:





2019-07-09T16:02:48+00:00 July 9th, 2019|Maxaa Cusub|0 Comments

Leave A Comment