Buug yarehaan, waxaa qoray aniga oo ah Roble Ahmed Idle, waxaana igu dhaliyay in aan curiyo islamar ahaantaana wax ka qoro, si aan uga mid noqdo dadka raadinaya sidii looga hortagi lahaa arrimaha ay ka mid yihiin cabburinta iyo yasidda loo geysto haweenka Soomaaliyeed.
Taasi oo aad ka fahmaysaan magaca buugga oo ah (Aragtidaydu hodansanaa afkayguna hiil yaraa..?) waxaana uu ka turjumayaa fikirka laga heli karo hooyooyinka Soomaaliyeed, wax yaabaha ay bulshada ku soo kordhin karaan haweenka Soomaaliyeed iyo xataa doorka ay ku leeyihiin amaba ku yeelan karaan hoggaaminta dalkeena hooyo.
Buug yarehaan, cid kasta oo aqrisata waxaan ka codsanayaa inuu qeexo fikirkiisa uga aaddan xaqa haweeenka Soomaaliyeed ee dhulka lagu jiiday, waxana waajib ku ah inuu dhowro dibna ugu rumeeyo riyooyinka haweenka Soomaaliyeed ee ay muddada rubuc qarniga ka badan ku taamayeen inay maalin uun helaan waxa ay ku mudnaayeen bulshada dhexdeeda.
Waxaan indhaha aana laga qarsan karin oo uuna qof aqoonyahan Soomaaliyeed uusan ka jeedsan karin waxa waddooyinka ku dayacan waa gabadhii Soomaaliyeed, taasi oo la dhihi karo waa musiibo la soo daristay haweenkeenna, waxaana ay mudan tahay in la raadsho xal looga gudbo arrintaas soo noqnoqonaysay muddadii dheerayd ee uu burburku dhacay – 26-kii sanadood oo xiriirka ahayd, sidoo kale waxaa ceel dheer ku dhacday sharaftii iyo tixgalintii haweenka Soomaaliyeed, waxaana in badan soo noqnoqotay in laba ilaawo meesha ay naga taagnayd inanta Soomaaliyeed.
Marka la rabo in la baaro hab-dhaqan bulsho meel ku nooli ama qaabkiisa juquraafi ahaaneed waxaa loo baahan yahay in laga haysto masawir dhab ah deegaankaas oo lagu xaqiijin karo xog sugan oo bulsho la bari karo.
La soco qeybta labaad……
Buuggaagta qabyada u ah ah qoraaga;
1- Buugga Dalmar
2- Dhaqaalaha Bariga Afrika
3- Turjumaadda Buugga Ban Al-Macluumaat
W/Q: Roble Ahmed Idle
Waan idiin hambalyaynayaa dhammaan naadiga maskaxshiil, khaas ahaan walaalkeen roble waxa aan ku suganahay Swedan, stockholm fadlad sidee ku heli karaa Buuggan siyaasadda haweenka; waan ka xumahay in aan waayay fasax aan ku imaado MBF sanadkaan
Bureeqo waad heli kartaa, waxaa ugu dhaw DHL ama qof Soomaaliyda ka soo baxaya laguugu soo dhiibo.
Mahadsanid.
Asc, khadija from Oslo; I saw your panel on Youtube, realy Roble You touch the point that we r waiting for somali scholers; just we are ready any facilitition about this program, i prefer to get this book, thank you and your effort.
maskaxshiil keep it up……………………………………………… go forward
Ho. Khadija,
Thank you very much for the comment and vision. Kindly, to get the book, email us here: info@maskaxshiil.so
Regards
Farxiya