Aqoon kororsi ku saabsan qoraalka oo loo qabtay xubnaha naadiga

Aqoon kororsi ku saabsan dhanka qoraalka ayaa waxaa loo qabtay xubnaha naadiga. Waxaa aqoon korarsigaas qabtay macallimiin kala duwan, oo qoraalka muddo dheer ku jiray. Waxaa ka mid ahaa macallimiintii halkaas ka jeedinaysay aqoon kororsiga Qoraa Axmed Shiraac, oo ah khabiir dhanka qoraalka iyo af Soomaaliga ah, isaga oo qorey buugga Naxwaha ee caanka ah ee la yiraahdo Naxwada Afka Soomaaliga. Waxaa uu bixiyey cashar ku saabsan dhanka shuruucda qoraalka.

Waxaa kale, oo isna halkaas cashar muhiim ah ka bixiyey Mahir Jaamac Aadan oo ah guddoomiyaha suxufiyiinka Soomaaliyeed ee NUSOJ. Isna waxaa uu bixiyey, cashar muhiim oo ah ku saabsanaa farqiga u dhexeeya Wariye-yaasha iyo Qoraayaasha. Waxaa sidaa oo kale uu ka hadlay, waxa ay ku kala duwan yihiin maqaalka, faallada iyo qoraalka buugga. Waxa uu sidaas oo kale aad uga sheekeeyey habka sheekooyinka loo curiyo.

Waxaa isna halkaas cashar wanaagsan ka jeediyey Garaad-Yoonis, oo muddo dheer ahaa macallin afka Soomaaliga dhiga isla markaasina ahaa qoraa. Waxaa uu halkaas ka jeediyey qudbad ku saabsanayd qaab-qoraalka toolmoon.

Xubnaha naadigu aad bey ula dheceen aqoon korarsigaas, wax badan ayuuna ku siyaadiyey, iyaga oo ballan ku qaadey in ay qoraalkooda kor u qaadayaan.

Bisha 11-aad ee isla sannadkan 2017-ka, ayaa sidaas oo kale, la rajaynayaa in aqoon korarsi ballaaran naadiga xubnihiisa loo qabto, waxa uuna socon doonaa muddo dhawr cisho ah, iyada oo ay imaanayaan macallimiin rug-cadda ah.

Waxaa naadiga Maskaxshiil ka go’an in uu xubnihiisa tayadooda kor u qoodo, si ay u soo baxaan buugaag tayo sare, isla markaasina, waxa uu naadigu soo saari doonaa qoraayaal cusub oo tayo sare leh.

Daawo Sawirrada;

 

2017-10-21T15:52:26+00:00 October 21st, 2017|Maxaa Cusub|0 Comments

Leave A Comment