AKADEMIYADDA CILMIGA FANKA IYO SUUGAANTA OO SANNADKAN QABATAY TARTAN-BUUGEED

Akademiyadda Cilmiga Fanka iyo Suugaanta ayaa waxa ay u qabatay tartan-buugeed dhallinyarada qoreyaasha ah ee ku sugan magaalada Muqdisho, bishii 11 aad ee sannadka 2018.

Tartankaan ayaa waxaa ka qeyb galay 18 qoraa oo sannadkan soo saaray buug ka hadlaysay mawduucyo kala duwan.

Akademiyadda ayaa u saaray guddi khuburo ah oo afka iyo mawduuyada laga hadlayeyba aad u taqaannay oo kala saarayey buugtaas, iyada oo laga codsaday in ay si caddaalad ah ku soo saaraan shanta qof ee ugu fiican.

Akademiyadda ayaa maanta oo ay taariikhdu ahayd 30/12/2018 waxa ay soo bandhigtay shanta qof ee tartakaan ku guulaystay, oo hoos magacyadoodu ugu qoran yihiin sida ay u kala sarreeyeen:

  1. Maxamed Xasan Shaaciye
  2. Mustaf Warsame Sabriye
  3. Yoonis Aadan Cumar
  4. Xamdi Qaynuun
  5. Xaashi Nuur Cabdulqaaddir

Akademiyadda ayaa guddoonsiisay shantaas qore ee guulaystay abaalmarinno lacageed iyo weliba shahaado sharafyo.

Ujeedka Akademiyaddu ay u qabanaysay tartankan ayaa ahaa qiimeynta buugta iyo dhiirrigelinta qoraaga.

Sida uu sheegay madaxa Akademiyadda Mudane C/qaaddir Nuur Xuseen Maax, tartanka waxaa loo qabtay sannadkan dhallinyarada qoreyaasha ah ee Muqdisho jooga, laakiin sannadka dambe waxaa lagu soo dari doonaa dhallinyarada kale ee qoreyaasha ah ee dal intiisa kale iyo dibedda jooga.

Golaha Qoreyaasha Maskaxshiil ayaa horay u soo dhaweeyey tillaabadan ay Akademiyaddu qaadday, waxaana tartankaas ka qeyb galay dhallinyaro badan oo ay Maskaxshiil soo ababisay.

Xafiiska dhexe ee golaha Maskaxshiil,
info@maskaxshiil.so
www.maskaxshiil.so 
0619171795

Hoos ka daawo sawirrada  buugta la tartan siinayey iyo sawirrada shanta qoraa ee  guulaystay:

2018-12-31T16:04:03+00:00 December 31st, 2018|Maxaa Cusub|0 Comments

Leave A Comment